Shirkii Dagaar Oo La Iskula Qaatay In Wasiir Maxamuud Xaashi Lala Baadi Goobo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ka Hor Doorashada Madaxtooyada Somaliland Hargeysa(SM)Oct.3,2017-

Shirkii Dagaar Oo La Iskula Qaatay In Wasiir Maxamuud Xaashi Lala Baadi Goobo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ka Hor Doorashada Madaxtooyada Somaliland
Hargeysa(SM)Oct.3,2017-IMG_5226

Shirkii ka socday maalmihii u danbeeyey dooxada Dagaar ee deegaanka Ceerigaabo ee gobolka Sanaag isla markaana ay ku yeesheeen Beelaha Biciido ayaa xidhitaankii kadib waxa shalay qabsoomay shir kale oo ay iskugu yimaadeen salaadiinta cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Muuse Abokor,waxaana la iskula qaatay in wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirka madaxtooyada Somaliland lala raadiyo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE,ka hor doorashada soo socota ee Noofember dhici doonta ee madaxtooyada.
Shirkaasi waxa uu warku sheegayaa inuu fadhiyay suldaanka guud ee Beesha Habar-jeclo ayaa si wayn loogu faaqiday arrimaha siyaasadda,waxaana la sheegay in wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi uu badheedhihiisa dhiibtay,isla markaana uu madasha soo dhigay doonistiisa gudoomiyaha xisbiga KULMIYE,Ergadii shirka fadhiday ayaa taageertay go’aankiisa,waxayna magacaabeen guddi la sheegay inay ka kooban yihiin 9 xubnood oo arrintaasi ka hawl gasha.
Guddiga ayaa waxa ku jira suldaanka guud ee Beelaha Habar-jeclo oo la s heegay inuu ku taliyay in isaga laga reebo,madaama oo uu yahay Suldaanka guud,guddigan ayaa lugtooda koowaad ee u horeysay waxay ku iman doonaan magaalada Burco,waxaanay usoo gudbi doonaan caasimada Hargeysa oo ay kulan kula yeelan doonaan gudoomiyaha ahna murrashax KULMIYE Muuse Biixi ayna u bandhigi doonaan doonista wasiirka ee Maxamuud Xaashi Cabdi ee gudoomiyaha xisbiga KULMIYE.
Odayaashan guddiga ah ayaa go’aansaday inay doonayaan in wasiir Maxamuud Xaashi lagu wareejiyo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE doorashada kadib sidii madaxwayne Siilaanyo ugu wareejiyay murrashax Muuse Biixi,laakiin waxay doonayaan in lasii kala qorto heshiis is afgarad.
Dhawr goor oo ay warbaahintu soo bandhigtay warbixino sheegaya in gudoomiyaha KULMIYE ay ku loolamayaan Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ah gudoomiye ku xigeenka KULMIYE iyo wasiirka Madaxtooyada,laakiin labadooduba si wada jir ah ayay iskaga difaaceen inuu jiro wax loolan ah oo labadooda ka dhaxeeyaa.

Salaanmedia/Hargaysa
Xigasho Geeska