TACSI:-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Inj.Cabdi Cartan.01.10.17

TACSI:-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Inj.Cabdi Cartan.01.10.17
IMG_1564

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI aha guddoomiyaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada , hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale taageerayaasha Xisbigaasi ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Maareeyahii hore ee Wakaaladda Biyaha Berbera Marxuum/Injineer Cabdiraxmaan Cartan Geedi oo maanta 01/10/2017kii ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka casbi badan sida oo kale na u sama-fali jiray dadka danyarta ah isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa odey reer Somaliland ah oo ka soo qeyb-qaatay dhismahii qaranka Somaliland ee xiliyadii kala duwanaa isla mar ahaantaana ahaa shakhsi caan ku ah horumarka magaalada Berbera oo aad looggu xasuusto kaalintii iyo doorkii uu ku lahaa biyo u sameynta caasimadda Berbera ee gobalka Saaxil.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waxa ugu dambeyntii uu Alle uga baryeyaa Marxuumkaas in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Amiin.

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN.
Waaxda Warfaafinta WADDANI
Hargeysa,Somaliland