War Deg Deg Ah: Dablaydii Weerarka ku Qaaday Guriga Guddoomiye Cirro oo la Aqoonsaday Magac-yada Iyo Hayb-tooda..29.10.17

War Deg Deg Ah: Dablaydii Weerarka ku Qaaday Guriga Guddoomiye Cirro oo la Aqoonsaday Magac-yada Iyo Hayb-tooda

Hargeysa(SM)-Dableydii weerarka ku qaaday guriga uu magaalada Hargeysa ka degan-yahay Gudddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa si rasmi ah loo aqoonsadey haybta ardaayada ay kasoo jeedaan iyo magac-yadooda, waxa kaloo iyana  la ogaaday maskaxadii ka danbaysay hawgalka guriga Guddoomiye Cirro lagu fuliyey.

Dableyda abaabulan ee weerarka qorshaysan ku qaaday guriga Musharax WADDANI  Cabdiraxmaan Cirro habeeninadii Jimcihii Todobaadkan oo tiradoodu ahayd dhawr iyo toban qof,  waxa si rasmi ah loo aqoonsaday haybta iyo magacyadooda sagaal kamid ah dablada hawgalka ka fulisay guriga guddoomiyaha mucaaradka ah ee Xisbiga WADDANI, kuwaasoo ahaa sidan:

Ø  Subeer Cabdilaahi                              Sacad Muuse  reer Samatar

Ø  Maxamed Dharro                                Sacad Muuse  Bah-gobo

Ø  Hodan Cabdilaahi Aw-geesh              Sacad Muuse  Cabdale Sacad”

Ø  Iid Shaqale                                          Sacad Muuse  Reer Cabane

Ø  Barkhad Batuun                                  Sacad-Muuse  Bah-gobo

Ø  Cabdi-majiid                                        Sacad-Muuse  Reer Samatar

Ø  Axmed nuur                                         Sacad-Muuse  Reer Samater

Ø  Xasan                                                   Sacad Muuse  Reer Cabane.

Waxa kaloo la aqoonsadey shaqsiyaadkii bixiyey dhaqaalihii suurta-geliyay hawlgal-kaas, kuwaas oo sida ku cad raadka iyo xogaha ilaa iyo hadda la hayo iftiimiyeen in Ganacsadaha reer Jabuuti Maxamed Aw Siciid Geedi, isagu uu bixiyey dhaqaalihii dableydaasi ku hawglaleen, waxaana xogaha la helay qaarkood lagu ogaaday in dhaqaalah uu bixiyey Ganacsadaha reer Jabuuti la sii mariyey haweenayda keliya ee dumar ahaan ku jirta hawgalkaa, lagu magacaabo Hodan Cabdilaahi Aw-geesh.

Dhac-dadan foosha xun ee lagu badh-til-maameed saday guriga uu degan-yahay Musharax Cirro iyo sidoo kale weerarada lagu fuliyo taageerayaasha iyo gaadiidka Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI dhammaantood,waxay qayb ka yihiin ku talagalo qorshaysan oo ay fulinayaan siyaasiyiinta iyo madax-da Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay uga go’leeyihiin in ay ku cabsi iyo baqdin geliyaan, siyaasiyiinta, madax-da iyo taageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, oo iyaguna geestoodu  ka war-qaba ujeedooyinka iyo muraadka laga leeyahay falalka is daba-jooga ah ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE ka waddo gobolada iyo degmooyinka Somalilad.Ciro