Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay Shan nin oo gacanta ugu jiray (Akhriso Magacyada)..25.12.17

Xarakada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala deegaanka Iidaale ee duleedka magaalada Baydhabo waxa ay xukun dil ah kula fuliyeen shan nin ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jawaasiis.

Maxkamada ay leeyihiin Al Shabaab ayaa shantan nin ku eedeesay in ay ahaayeen Jawaasiis la shaqeysa Sirdoonada Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya, waxa ay sidoo kale ragan qaarkood ku eedeesay in ay la shaqeenayeen Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Fagaaraha shantan nin lagu tooganayay waxaa soo xaadiray dadweyne badan oo usoo daawasho tagay xukunkan dilka ah, waxaa sidoo kale goobtaasi ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Halkan ka Akhriso Magacyada Shanta nin ee dileen Al Shabaab

1-Mahad Cali Xasan Oo lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay Sirdoonka  Mareykanka.

2-Jibriil Saalax Xaaji Maxamed Oo isna lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay Sirdoonka Soomaaliya

3-Muxamed Cali Aadam Oo isna lagu eedeeyay in uu La Shaqeynayay Sirdoonka dowlada Somalia

4-Mahad Cabdi Axmed ayaa Al Shabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay Sirdoonka Jubbaland

5-Cabdi Casiis Ibraahim Maxamed ayaa lagu eedeeyay in uu  la shaqeynayay Sirdoonka  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku fulisay rag iyo dumar ay ku eedeeyeen in ay la shaqeenayeen sirdoonka Dowlada Soomaaliya iyo Sirdoonka dowlado kale ay ku jirto Mareykanka.1