DAAWO:- Xildhibaan Cabdi Qaydiid Oo Ka Warbixiyey Weerar Ay Ciidamada Amaanku Ku Qaadeen Gurigiisa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Dec 31, 2017

DAAWO:- Xildhibaan Cabdi Qaydiid Oo Ka Warbixiyey Weerar Ay Ciidamada Amaanku Ku Qaadeen Gurigiisa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Dec 31, 2017 Muqdisho (SM) – Ciidamada ammaanka ayaa goordhow gudaha u galay guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho Senatar Cabdi Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada aqal.

Ciidamadan ayaa xirey wadooyinka soo gala guriga Cabdi Qeybdiid oo ku yaal degmada Hodon agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in ay baaritaan ka wadaan gudaha guriga Cabdi Qeybdiid.

Ma jirto wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidamada ilaalada ka ah guriga Senatar Cabdi Qeybdiid lamana oga in uu ku sugan yahay hoygiisa senatarka.

Hoyga Senatar ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka ayaan la baari karin illaa laga qaado xasaanada sida uu dhigayo dastuurka dalka.Hase yeeshee lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid oo hore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida Ciidamada Ammaanka Degmada Buuloburde oo howlgal miino baaris ah sameeyay