Maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Cali Xoor-xoor oo Sheegay in Madaxweynaha cusub Muuse Biixi u magacaabayo Maareeya DekeddaDecember 22, 2017

Maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Cali Xoor-xoor oo Sheegay in Madaxweynaha cusub Muuse Biixi u magacaabayo Maareeya DekeddaDecember 22, 2017

965429CD-0FEA-44BE-B613-3A57B4BD811A
Berbera(SM)-Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor), ayaa suuqyada iyo asxaabtiisi hore ee Dekedda úgu bushaareynaaya inuu todobaadyada soo socda Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi u magacaabayo Maareeyaha Dekedda Berbera faraca Somaliland xukunto.

Damaashadka iyo rayn-raynta Ex. Maareeye Cali Xoor-xoor, ayaa sidoo kale waxa uu ku tiraabaya in Marka La magacaabo kaddib, uu bilaabayo qorshayaal uu dib ugu soo hurinaayo khilaafyo dib uga dhex curta bulshada Saaxil iyo Shirkadda DP World oo la filayo inay dhowaan Dekedda ka bilowdo mashaaricdii dib u casriyeynta iyo keenista qalabyo cusub, dhismaha dekeda labaad, waxanu qorshaystay Maareeyihii keligii ku amarku taagleyn jiray Dekedda Cali Xoorxoor inuu dib gacanta Somaliland ugu soo ceshanayo Dekedda oo aanu isaggu ku qanacsanayn inuu maamulo faraca Somaliland xukunto oo keliya.
Si kastaba ha ahaatee Siyaasi Cali Xoor-xoor oo muddo dheer soo maamulayey marsada Berbera, ayaa si weyn uga soo horjeeda Mashaaricda lagu horumarinaayo Dekedda Berbera, isla markaana waxa uu dagaal adag kula jiraa Shirkadda gacanta ku haysaa Dekedda ee DP World, kaasoo xiligii ay la wareegaysay dekedda gudaha magaaladda berbera kaga abaabulay mudaharaado lagaga soo horjeedo DP World, isla markaana lagu diidan yahay horumar iyo dib u casriyeyn dekedda Berbera lagu sammeeyey.
Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Cali xoor-xoor, ayaa xilka lagaga qaaday rabshado iyo shirar beeleedyo ka dhan ah DP World oo abaabuley, waxanu si cad oo aan gabasho lahayn u sheegay inaanay isagga ku fileyn farac ama qayb la maamulo, isla markaana aanu aqoonba u lahayn mashaaric iyo dib u dhis la sameeyo, hase-ahaatee qorshihiisu yahay laalush qaybin iyo inuu keligii siduu doono ka yeelo dekedda. Sidaas daraadeed waxa isweydiin mudan Xukuumada cusubi ma waxay dooneysaa inay dib u huriso khilaafyo loo maaro waayo iyo weliba Dekedda Berbera oo dib u xidhanta, iyo sidoo kale kacdoon Siyaasadeed oo mar kale lagu asqeeyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, sixitaanka Heshiiska DP World waxa Madaxweynaha uga furan dariiqyo badan oo kale, hase-yeeshee hadii uu Cali Xoor-xoor u magacaabo waxay noqon doontaa fari togdheerbay kula xushaa.