Magacyada Saraakiil Ka Tirsan wasaarada Maalliyada Oo Uu Wasiirka Wasaaraddaasi Isku Shaandheeyey..Dec 30, 2017

Magacyada Saraakiil Ka Tirsan wasaarada Maalliyada Oo Uu Wasiirka Wasaaraddaasi Isku Shaandheeyey..Dec 30, 2017

wasiir
wasiirka-maaliyadaDec 30, 2017 Hargaysa (SM) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa isku beddel iyo magacaabis ku sameeyey Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaasi iyo Kastamaha Magaalooyinka qaarkood. Wareegto uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa lagu sheegay in la isku beddelay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Maaliyadda, si loo dardar geliyo habka loo ururiyo cashuurta dalka.
Wareegtadan ayaa u dhignayd sidan: “Ujeeddo isku bedel iyo Magacaabis: Wasaaradda Maaliyaddu waxay ku hawlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa Dakhliga, Isla markaana loo dar-dar gelin lahaa hannaanka maamulka iyo shaqada Wasaaradda laga bilaabo maanta waxaan magacaabay:
1- Idiris Xasan Diiriye, Agaasimaha Waaxda Kastamaha
2- Asad Maxamed Maxamuud Faarax, Agaasimaha Waaxda Maamulka
3- Xuseen Xasan Cabdi, Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Maamulka
4- Daa’uud Siciid Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta
5- Xamse Cabdiqaadir Sheekh Xuseen Agaasime ku-xigeenka Waaxda Qorsheynta
6- Bahja Xasan Yuusuf, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha
7- Maxamed Axmed Wayrax Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Shaqaalaha
8- Cabdirakariin Ibraahim Saleebaan, Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda
9- Cali Sheekh Axmed Sheekh Cali, Agaasime Waaxda Miisaaniyadda
10- Kayse Axmed Cismaan, Madaxa Hanti dhawrka guddaha
11- Xasan Cabdi Yuusuf, Madax Arkiifiyada
12- Khadar Maxamed Cabdi, La Taliyaha Wasiirka ee Arrimaha Hanti Dhawrka Guddaha
13- Maxamed Axmed Ducaale, La Taliyaha Wasiirka ee Arrimaha Kastamada.