Siyaasi Darmaan oo runta u sheegay dowladda Madaxweyne Soomaaliya Farmaajo..31.12.17

Siyaasiga Cabdi Nuur Darmaan, ayaa sheegay in dowlad aan mucaarad laheyn aysan dowlad ahayn, isaga oo tilmaamay in mucaaradkana laga doonayo inay wax dhisaan.

Waxa uu sheegay Darmaan in Madaxweyne Farmaajo aanu xil qaban lahayn haddii aanu dalka mucaarad ka jiri lahayn, maadaama isaga qudhiisaba uu soo mucaaraday dowladii tan ka horeysay.

Sidoo kale, Cabdi Nuur Darmaan ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda in dhankooda ay mas’uuliyad isa saaraan oo ay maanka ku hayaan in dalkaan dib u dhis u baahan yahay.

“Dowlad aan mucaarad lahayn dowlad ma ahan, haddii aan mucaarad lahayn madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa dowlad ma noqon lahayn, waa lala yaabaa adduunka haddiiba la arko dowlad aan mucaarad lahayn, mucaaradkana waa iney mas’uuliyad is saaraan, dowladana waa in ay mucaaradka soo dhoweyso sababtoo ah wixii kaa maqan ayeey kuu sheegayaan.” ayuu yiri Darmaan.

Dowladda Somaliya ayaa la soo baxday hab dhaqan aan wanaagsaneyn oo ku aadan in la caburiyo mucaaradka dowladda, iyadoo loo isticmaalayo awood ciidan.

Hadalka Darmaan ayaa imaanaya xilli maalmahan dambe ay xurguf siyaasadeed ka dhaxeysay dowladda Federaala Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

 1