Daawo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Ahmed Oo Kormeer Ku Kala Bixiyey Xarumaha Kala Duwan Ciidanka Boliska JSL..03.01.18

Daawo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Ahmed Oo Kormeer Ku Kala Bixiyey Xarumaha Kala Duwan Ciidanka Boliska JSL..03.01.18

Hargaysa(SM)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL   Mudane Maxamed Kaahin Axmed  Ayaa   Saaka  Kormeer  Ku   Kala Bixiyey   Talisyada Ciidamada  Boliska  Ee Qaranka Somaliland Si Loo Dardar Galiyo Hawlaha  Amaanka Xogogaal Uu  Ugu  Noqdo  Baahiyaha  Ciidanka.

Wasiirka  Oo  Kormeerkiisan  Uu Ku   Wehelinaayey  Taliyaha  Ciidamada   Boliska  Sareeye Guuto  Cabdillaahi  Fadal Iimaan    Ayaa  Kormeer  Xogogal U  Noqosho Ah  Ku Maray  Xarunta  Taliska Ciidanka Birmadka, Turba-Taariyada ,  Iyo  Taliska  Guud Ee  Dhawaan Ciidanka  Loo Dhisay   Halkaasi  Oo  Shir Uu   Kula  Qaatay  Saraakiisha  Ciidamada   Boliska.

  Wasiirka  Iyo  Taliyaha  Ayaa   Kormeerkooda  Ka   Bilaabay   Xarunta  Ex- Turba Taariyada  Ee CID-Da  Halkaasi  Oo  Wasiirku   Uu  Xog  Waran  Kaga  Dhagaystay    Masuuliyiinta Iyo  Ciidan   CPU Ee  Xaruntaasi  Ka   Hawl Gala,  Iyaga Oo Ka  Xog  Waramay  Siyaabaha   Kala  Duwan  Ee Ay  Qaranka Ugu  Shaqeeyaan.

Dhinaca  Kale  Taliyaha  Ciidanka Iyo  Wasiirka  Oo Wada Socda  Waxa  Ay  U  Sii  Dhaafeen  Xarunta   Taliska Ciidanka  Birmadka   Halkaasi  Oo  Ay   Salaan  Kaga  Qaateen   Cutubyo  Ka  Tirsan  Ciidanka   Qaranka  Waxaana Ugu   Horeyn  Halkaasi  Ka  Hadlay  Taliyaha   Ciidamada   Boliska  S/Guuto Cabdilaahi  Fadal Iimaan Waxaana  Hadaladiisa  Kamid  Ahaa :-

“ Wasiir   Ciidanka  Hortaada Taagan  Waxa Uu Ka  Kooban Yahay   Ciidanka   RRU Iyo   Ciidan  SPU  Oo  Loogu  Talo Galay Ilaalinta  Haayadaha  Caalamiga  Ah  Iyo  Madaxda  Qaranka  Iyo  Nabadgalyada Guud Ee  Qaranka Waxaa  Kaloo  Ku  Dhexjira  Ciidan  U  Tobobaran  Ka  Hortaga   Rabshadaha  Waana  Ciidanka  Qaranka  Somaliland Ku  Dhaato  Ee  La   Arki  Jiray  Waana  Ciidan   Aad  U  Tabo Tabaran  Markaa  Sacaadatul Wasiir  Kusoo Dhawoow.”

Hadalka  Taliyaha  Kadib  Waxaa Ciidanka  Halkaasi  Kala  Hadlay  Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha  Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed  Oo  Hadalo  Dhiiri  Galin  Iyo Dardaar U  Badan  Halkaasi Ka   Soo  Jeediyey Waxaana  Hadaladiisii  Kamid Ahaa :-

“Taliyaha Ciidanka  Boliska,  Taliyaha Ciidanka  SPU-Da  Iyo RRU-Da , Saraakiisha,  Saraakiil  Xigeenka  Iyo  Dablayda Intaba   Iyo Aad  Ayaan  Idiin  Salaamayaa .

 Ciidankan  Inaan  Soo  Maro  Oo  Soo Kormeero Taliyahaanu  Iska  Aragnay  Maadaama  Aan  Wasaarada Arrimaha Gudaha  Ka   Tirsan Tihiin  Waana  Ciidan  Aan  Ognahay  Hawlaha  Baaxada  Leh  Ee Ay   Qarankan U Hayaan ,  Waxaan  Idiin  Sheegayaa   Dawladnimada  Nimaadkeeda  Oo Dhami  Waa  Ilaalintiisa Nidaanka  Waxaana   Inoo  Qaabilsan  Ciidanka  Boliska,   Somaalidu  Waxa Ay  Ku  Maahmaahdaa  “Waxa  Umusha U Dana Ayaa  Hooyadana  U  Dan Ah” Haday  Ummushu  Gaajooto  Ilmuhuna Wuu  Gaajoonaysaa,  Marka  Imika  Nidaam  Jiro ,  Ayuu  Qofkuna  Qof  Noqonayaa ,   Hadii  Kale  Lama  Kala  Sareeyo  Lamana  Kala   Xoog  Badna .

Xayawaanka  Duurjoogta Ah  Sharcigeedu Waxa Weeyey  In Midwaliga  Ka Uu  Ka  Xooga  Wayn Yahay  Cuno    Markaa  Waxaynu  U  Baaha Nahay   Hawsheena  Boliska  Inaynu  Kordhigo   Dadka  Nidaamkaynu  Ku Hagaynaa Marna  Danbigaynu  Ka  Qabanaynaa  Marna  Danbigaynu  Ku  Qabanaynaa”

Hawlahan  Kor Meerka Ee  Wasiirka  Arrimaha Gudaha  Ayaa   Kuwo   Bilow  Isla Markaasina   Lagu  Dar-Dar  Galinayo   Laamaha  Amaanka  Iyo  Amniga  Qaranka.

 
Jamal Abdi Muhomed
Spokesman  Somaliland  Ministry Of Interior,

Contact Details:

Phone: +252 63 4127409