Guddoomiyaha maxkamada ciidamada Somalia ee Al-shabaabka Xukumada ku rida oo Aabbihii goor dhaweyd lagu dilay Muqdisho.Jan 03.18

Al-Shabaab ayaa sheegatay dil xalay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Suuq Boocle ee Degmada Dharkenley loogu geystay Cali Nuur Shuute oo ahaa Aabaha dhalay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

War ay baahiyeen Al-shabaab ayey ku sheegatay masuuliyada dilkaas, iyagoo intaa ku daray inuu ahaa sarkaal ka tirsan Waaxda Dowladda Hoose u qaabilsan dhul bixinta.

Masuuliyiinta Maxakamada Ciidamada Qalabka sida ayaa waxay sheegeen in la sameyn doono baaritaan dhab ah si loo helo dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa xukuno iskugu jiray dil iyo xabsiyo kala duwan ku xukumay dhalinyaro badan oo lagu soo eedeeyey iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

SHABAABOOSS