Xog-culus:Mid ka mida Heshiisyada & Qandaraasyada Macaashka buuran laga helay ee Xukumadii Siilanyo qarsoodiga u bixisay,Ciday siisey+Xoggo kale oo xasaasiya..02.01.17

habaneXog-culus:Mid ka mida Heshiisyada & Qandaraasyada Macaashka buuran laga helay ee Xukumadii Siilanyo qarsoodiga u bixisay,Ciday siisey+Xoggo kale oo xasaasiya

Hargeisa(SM)-Sida ilo xogogaali ahi u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews waxaa soo baxay Shirkado khusuusiya oo xukumadii Siilanyo ee waqtigeedu dhamaaday la gashay Heshiisyo kooto ah oo aan la baahin amaba loo tartamin,si hoosena loogu naasnuujiyey As-khaas gaara oo adeegyo gaara u fulin jiray Qoyska Madaxtooyada,ku darsoo Waxaa shirkadaha Saamiyo laga siiyey ama loogu daray Xubno ay qoyska Madaxtooyada Siilanyo Xidid & Xigaal yihiin.

Heshiisyadaa Kootada ah ee aan la marsiin nidaamka sharci ee dalka & Qandaraasyada dahsoon ee Hantidhawraha Guud ku daba jiro waxaa ka mid ah Heshiiska Qandaraaska Daabacada manhajka Buugaagta Isguulada Somaliland  (Somaliland School Syllabus Books Publishing  ) oo kooto loogu xidhay Koox dhalinyaro u badan oo qaarkood waqtigaa ka tirsanayeen Madaxtooyadii Siilanyo, halka Xubnaha kalena aad uga ag-dhawaayeen,Waxana Kooxdaa Qandaraaska daabicida Bugaagta Isguulada Somaliland  Kootada loogu xidhay Budhtuur u ah Cali Maxamed Cali- Xoghayihii hore ee gaarka ahaa ee Qoyska Madaxweyne Siilanyo,waxaa kaloo saamiyo ku leh oo sawirkoodu ka dhex muuqdaa Maxamed Aaden oo xoggaha Qarannews loo soo dusiyey tibaaxayaan inuu Wakiil idman u Yahay Ganacsade Somali-Kenyatti ah,Ku darsoo Maxamed Adan waa Dilaalka & Maskaxda bud-dhiga u ahayd Qandaraaska Kootada  Daabacaada Buugaagta Manhajka Dugsiyada Somaliland. Sidoo kale waxaa Saamileyda Mashruuca ku jira Cabdiraxmaan Nuur Cigaal oo ay xidid & Xigaal yihiin Xoghayihii hore ee Siilanyo Cali Axmed Cali.

Qandaraaskan Kootada ee Daabicida Buugaagta Manhajka Isguulada Somaliland ayaa laga soo ikhtiraacay ama ka soo farcamay qorshe qarsoodi ahaa oo markii hore ku ekaa Ash-khaas Somali-kenyatiya oo Isguulo ku leh Hargeysa,oo Buugaagta Manhajka Isguulada Kenya lagu dhigto keeni jiray Hargeysa,Buugaagtaas oo ku koobnaa ama ay ka iibin jireen Isguulo khaasa,Sida Isguul la yidhaahdo Elmi School,Qorshahan ayaa isu rogay Dukaan ka ganacsada Buugaagta oo la yidhaahdo HEMA Books  oo isna aakhirkii danbe u digarogtay Shirkad qooto qooto ah oo ay ku bahoobeen As-khaasta aan kor ku soo sheegnay ee Madaxtooyada Siilanyo ku xidhnaa oo Wadanka Imaraadka Carabta  & China ka soo waarida,kuna soo Daabaca Manhajka Buugaagta Isguulada Somaliland (Dugsi Hoose ilaa Dugsi Sare) oo noqday Qandaraas Kooto ah oo Macaash buuran laga helo kaas oo laga hago ama laga Maamulo Qasriga madaxtooyada.

Heshiiskan kootada soo daabicida Buugaagta Isguulada Somaliland ayaa waxaa Xogguhu sheegeen in si qarsoodiya loo bixiyey xilliguu uu wasiirka Wasaarada waxbarashada Somaliland ahaa Cabdillaahi Habane “Cabdillaahi dheere” oo isaga laftiisana saami loogu daray si aanu u fashilimin Kootada Qandaraasku.

Qandaraaskan soo daabicida Buugaagta isguulada Somaliland (Somaliland Schools Syllabus)  Macaashka Buuran ee laga helo ka sakow waxaa lagu lunsadaa Canshuur Qaran oo ka badan Nus Malyuun Dollar sanadkiiba & Lacagta macaashul- macaashka (Inome Tax) ka soo geli lahayd Qaranka sanadkii oo lagu qiysaasey ilaa laba Malyuun oo Dollar sanadkiiba,taas oo macnaheedu tahay inaaney wax canshuura ka soo xaroon Malaayiinka Buugaagta ah ee Mashruucan kooteysani uu soo dejiyo,kana iibiyo Ardayda Isguulada Hoose,Dhexe & Sare ee Somaliland ee Kootada loogu xidhay inaan cid kale soo daabacan Karin,iibina karin.

Geesta kale Shirkadan Kootada ku haysata Soo daabicida  Buugaagta Isguulada Manhajka Somaliland ayaa Gobollada dalka oo dhan xafiisyo ka furtay,si aan cidi uga daba faa’iidin ama u dareemin macaashka ay helaan,Halka magaalada Hargeysana uga socdaan dhismayaal dabaqyo dhaadheer oo muujinaya Macaashka buuran ee ay heleen Qanadaarskan kooteysan.

Kooxdani markii ay hubsatay ama xaqiijisay inay kooto ugu jirto soo daabicida Buugaagta isguulada Somaliland ayey  Somalia isku qaadeen,una gudbeen Muqdisho halkaas oo ay ka heleen Abbaano la riixa Mashruucan Hargeysa uga hirgalay,Waxayna Xafiisyo ka furteen Muqdisho,Ha yeeshee waxaa markiiba albaabada u laabtay xafiisyadoodii Wasaarada Waxbarashada Somalia oo heshay xogtooda hoose & in Marwada Siilanyo qayb ka tahay mashruuca,marka lagu daro Shuruudo ay  hordhigeen oo nuxurkoodu ahaa in Qandaraaska soo daabicida manjahka Isguulada Somalia  kooto loogu xidho keligood oo aan cidi kale soo daabici Karin,Qadiyadahaas ayaa ka daadegi wayey Horjogaaysasha Wasaarada Waxbarashada Somalia oo aan ahayn meel laga istcimaalo ama ay ka socon karaan Qandaraasyada kootada ku binaysani,aakhirkiina waa lagu gacansaydhay Dalabkooda & mooshinka Kootaysan ee ay Hargeysa kala tageen,waxayna si degdeg uga soo yaaceen Muqdisho,cawralaay cago.

La soco Xoggo & Tafaasiil kale oo Muhiima oo ku saabsan shuruudaha Qandaraaskan