“9-ka Garaad ee Hadda Iigu Daran (Mucaaridnimada) Waxay Mushahar Ka Qaataan Somaliland” Cali Khaliif GalaydhFeb 07.18

“9-ka Garaad ee Hadda Iigu Daran (Mucaaridnimada) Waxay Mushahar Ka Qaataan Somaliland” Cali Khaliif GalaydhFeb 07.18
(SM)-Hogaamiyaha kooxda Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya hogaanka Khaatumo iyo garaadada beesha Dhulbahante, waxaana uu sheegay in garaadada Dhulbahante ay laba wajiilaynayaan isla markaana ay Hargeysa Mushahar ka qaataan, Xamarna ka soo caytamaan “8-da ama 9-ka garaad ee hadda noogu daran ee Xamar ka soo jala-butaynaya wallee mid walba laba kun oo dollar buu ka qaata Somaliland. Halka ay wax iskaga kay qaban waayeen waxa weeye sidee baanay nimankan mushaharka siinaya u qaban nimankaas mise iyaga ayay la jiraan? Anagu Khaatumo haddii aanu nahay wax kasta ha ku kacdo ee diyaar baanu u nahay in wada hadalladaas lagu guulaysto,” Sidaas waxa yidhi Dr Cali Khaliif oo ku sugan maraykanka.
Dr Cali Khaliif ayaa geesta kale ka hadlay ujeedada uu ka leeyahay wadahadalka xukuumadda iyo kooxda Khaatumo, waxaana uu sheegay in midnimada Somaliland iyo Khaatumo ay ku jirto sarraytnta sharciga oo la suurto-galiyo, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Anaga inta aan saami qaybsiba la gaadhin waxa ahmiyadda koowaad noo ah, waar bulshadan haddii aanu sharcigu sarrayn oo aan dawladnimada iyo sharciga oo shaqaynaya oo dadka lagu xukumayo dhab loo arkayn anagu ka mid noqon mayno_haddii aanu sharcigu sarrayn halis baa jirta, qof kugu amar ku taaglaynaya ha noqdo ama maamul ha noqdo ama qabiil kugu amar ku taaglaynaya ha noqdee, haddii shacbiga Somaliland taas raalli ku yahay waar anagu raalli kuma noqonayno taas ayaana muhiimadda koowaad noo ah, wixii kale oo dhan sida awood qaybsiga waa la iskaga iman kara,” .Daawo:Waraysigii Ugu Adka Cali Khaliid Galaydh iyo Wariye Cali Xaraare Oo Lagaga Hadlay Gobolada Barriga Somalilad+Muxuu Ka Yidhi Wada Hadalka Xukumadda Somaliland Iyo KHAATUMO