Sooyaalkii Dibloomaasiyada Somaliland Iyo Doorerkii Labadii Ducaale (Amb.”X.C.D”.Cawil Iyo “ C.M.D.” Ina-dhoola-yare).Qalinkii:C.S.F(Jeesto).
Jamhuuriyada Somaliland waxay soo martey wakhti muhiima marka laga hadlayo dhinaca dibloomaasiyada iyo sida ay dunida ula jaan-qaadey, Hadaba qormadani waxay fiiro gaar ah siinaysaa laba siyaasi oo ahaa laba (Ducaale) isla markaana dibloomaasiyiin waaweyn ahaa waxaaney kala ahaayeen ( C/laahi Maxamed Ducaale, Ina-Dhoola-Yare) Wasiirkii Wasaarada Arimaha Dibbada Xukuumadii Riyaale Iyo ( Amb. Xuseen Cabdi Ducaale , Cawil) Wasiirkii Wasaarada Maaliyada isla xukuumadaasi, Labadan masuul ayaa ahaa khabiiro dunida wax badan ka fahansan mudadii xukuumadoodii waxay bilaabeen dar-dar galin Amuuraha xidhiidhka caalamiga ah , Yagoo naftooda u hurey albaab kastana u garaacey sidey qadiyada Somaliland loo dhagaysan lahaa ama loo ixtiraami lahaa.
Waxay dadaal iyo juhdi galiyeen iney dhamaan wadamada Geeska-afrika ku gaalaa bixiyaan safaro yadoo ujeedkoodu yahay iney la soo doodaan la gar-naqsadaan, Sababaha u fududeeyay waxaasoo dadaala waxa keenay Amb. Xuseen cabdi ducaale (Cawil) oo khibrad buuxda u lahaa dibloomaasiyada isla markaana lahaa saaxiibo kala duwan oo caalamiya kuwaasoo ay ka mid ahaayeen , Madaxweyneyaal, Wasiiro, Safiiro, Iyo waliba madax sar-sare oo wadamada Geeska-afrika ee ay wax kaga xidhan yihiin Somaliland Sida
· Ethopia
· Kenya
· Tanzania
· Uganda
· Rwanda
· Gambai.
Kuwaasoo ay lahaayeen xidhiidho dhaw iyo saaxiibtinimo dibloomaasiyadeed amaba wada shaqayneed xiliyadii kacaanka Waa (Cawile), Isagoo ahaa Safiirkii ugu badnaa wadamadaa barriga afrika.
Hadaba khubaradan leh waayo-aragnimada dibloomaasiyadeed ee muga leh ayaa waxay dajiyeen jadwal ama istaraatajiyad ay ka leeyihiin Amuuraha ictiraaf raadinta Somaliland ( Strategic Plane Of Somaliland,s Diplomatic Mission), waxaan ka xasuustaa istaraatajiyadihii ay dajisteen si caalamka aynu uga helo Ictiraafka aynu ka naadinayno.
· In laga qayb-galo shirerka caalamiga ah ee ay dunidu isugu imanayso haday tahay mid bani-aadantinimo iyo mid dibloomaasiyadeed ( United Nations Conference And African Union Meeting by yearly).
· In laga faa,iideysto saaxiibtinimada ay la kala leeyihiin wadamada jaarka iyo kuwa caalamka madaxdooda (Take a part friednship relations )
· In hadba loo safro meeshii lay yidhaa waxbaa uga soo suura-galaya amuuraha qadiyada jamhuuriyada Somaliland meel kasta oo ay caalamka ka tahay( Diplomate Traveling with any-where of Somaliland,s interes)
Mahad-weyni haka gaadho labadan masuul iyo madaxweynahoodii mudane Daahir Rayaale Kaahine , Waxay umada u horseedeen amuur calool-adeyg u baahnayd balse ay aqoonteeda lahaayeen hadii eebe idmo waxaan mid mid isu dul taagi doonaa safaradii ay wadamada jaarka iyo dhamaan caalamkaba ugu baxeen, Hadaba sida ka muuqata xiligaasi waxaa halkaa kaaga cad in mudadaasi loo hagar-baxay sidii ay Somaliland aqoonsi u heli lahayd amaba aduunyada loogu soo bandhigi lahaa marxaladeeda iyo sida ay wax uga dalbanayso aduun-weynaha taasoo ku wajahan xaga ay yadu leedahay, Xiligan ay ( C/laahi Maxamed Ducaale “Ina-dhoola-yare” ) Iyo ( Amb. Xuseen Cabdi Ducaale”Cawil”) ay kala ahaayeen wasiirada Amuuraha Dibbada Iyo Maaliyada ayaa ah waqti taariikhdu aad u xusi doonto dhinaca heerka dibloomaasiyada ee Somaliland .
Somaliland xiligan ay masuuliyiinteeda ay ka mid ahaayeen labada Ducaale ee aan hore dusha ku soo sharxay waxay kala ahaayeen, Si weyn baa looga dareemay iney Somaliland guud ahaan caalamkoo dhan ay gor-gortan kula jirto xageeda kaga maqan ee ay dhigeeda la midka ahi ay haystaan, Meelaha sida weyn looga dareemay waxa ka mid ah fagaarayaasha caalamiga ah ee ay dunidu isugu timaado kuwaasoo intooda badan lagu soo ban-dhigay doodo iyo gudbado taariikhiya kuna saabsan baahida aqoonsi ee Somaliland, Xaqiiqatana waxay amintani sidaa ku mudatey dawlada Somaliland waa qodabadan.
· Waxay heshay khabiiro meelo fara-badan ka soo shaqeeyey (Proffisionalism of international relations)
· Waxay heshay xubno hawl-kara ah kuna dhaqaaqaya waxa u qorshaysan (Qualified Diplomate)
· Waxay heshay sooyaal-maalo soomaalida ku teel-teel ah Sida (Cawil) oo kale( Historian Individuals)
· Waxay heshay madaxweyne u daba-fadhiya cida uu u igmadey( Honest President with his treatory rights)
· Waxay heshay waqti ku haboon dhagaysiga waxa ay iib gaynayso (Good time of market policy percuadance).
Inkastooy lahaayeen dadaalka iyo dar-darta labadaa (Ducaale) ee hawl-karada ahi oo yagu ku suntan sooyaalka bogiisa. La soco…………..
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland.