Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Xilka Qaadis, Magacaabis Iyo Isku Badal Ku Sameeyay Qaar Ka Mida Maamulayaasha Kastamada Dalka..February 5, 2018

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Xilka Qaadis, Magacaabis Iyo Isku Badal Ku Sameeyay Qaar Ka Mida Maamulayaasha Kastamada Dalka..February 5, 2018

Daawo Muqaa:Wasiirka Cusub ee Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Muxuu Bulshadeena U Balanqaaday?..14.12.17
Hargaysa (SM) – Wasiirka Wasaarada Maaliyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa shalay oo ay bishu tahay 04/02/2018 waxa uu Magacaabis,isku badal Iyo xilka Qaadis ku sameeyay Qaarkamida Maamulayaasha dalka. Maamuleyaasha uu xilalkii ka qaaday waxaa ka mid ah Maamulihii kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan, Maamulhii kastamka Caasho Cado Maxamed Xaaji Mahdi, Maamule kuxigeenkii kastamka Kalabaydh Mustafe Riiraash.
wasiirka-maaliyada
Sidoo kale wasiirku waxa uu Maamulihii Kastamka Abaarso Maxamed Ismaaciil waxa laga dhigay maamule kuxigeenka kastamka Berbera. Halka kastamka Abaarso loosoo magacaabay masuul cusub. Maamulayaasha cusub ee uu Umagacaabay Wasiirku Ayaa Waxay kala Yihiin;
Cumar Xasan Caalin waxa loo magacaabay Maamulaha Kastamka Kalabaydh
Maamulaha Kastamka Berbera Cabdiraxmaan Cirro
Maamulaha Kastamka Abaarso, Cabdilahi Aadan xirsi
Maamule kuxigeenka Kastamka Saylac waxa uu u magacaabay Axmed Gaaxnuug Cali
Maamulaha Kastamka Caasho Cado Maxamed Cilmi