IMAARAADKA OO BILAABAY INUU DALKIISA KA SOO DAREERIYO MUWAADINIINTA KA SOO JEEDA DALKA JABUUTI & BAASAABOORKA SOMALILAND OO QARKA U SAARAN IN DHAWAAN DALKAASI LAGU TAGO.March 15th, 2018

IMAARAADKA OO BILAABAY INUU DALKIISA KA SOO DAREERIYO MUWAADINIINTA KA SOO JEEDA DALKA JABUUTI & BAASAABOORKA SOMALILAND OO QARKA U SAARAN IN DHAWAAN DALKAASI LAGU TAGO.March 15th, 2018
Imaaraadka Oo Bilaabay Inuu Dalkiisa Ka Soo Dareeriyo Muwaadiniinta Ka Soo Jeeda Dalka Jabuuti & Baasaaboorka Somaliland Oo Qarka U Saaran In Dhawaan Dalkaasi Lagu Tago.
Hargaysa (SM)-Waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay bilaabeen qorshe ballaadhan oo ay dalkooda kaga eryayaan muwaadiniinta ka soo jeeda waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti
halka ay sidoo kale damacsan yihiin in ay caqabado culus ku soo rogaan muwaadiniinta u dhashay waddanka Soomaaliya ee sita Baasaaboorka Soomaaliga iyada oo wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in ay Imaaraadku dhinaca kale ku hawlan yihiin sidii ay Muwaadiniinta reer Somaliland ugu fududayn lahaayeen isticmaalka Baasaaboorka Somaliland.

Go’aamadan layaabka leh ayay qaadanaysaa xukuumadda Imaaraadka Carabtu kadib markii ay isku dhaceen dhawaan shirkadda DP-World iyo xukuumadda waddanka Jabuuti kadib markii ay xukuumadda Jabuuti dalkeeda ka eriday shirkaddaasi oo muddo sannado ah maamulaysay dekedda Dooraale.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Imaaraadka ayaa sheegaya in Wasaaradda Daakhiliyada dalkaasi ay muwaadiniinta reer Jabuuti ku war-galiyeen in ay isaga baxaan dalkooda marka ay dhammaystaan wakhtiga uga hadhsan sharciga dal ku jooggooda, Laanta u qaabilsan waddanka Imaaraadka carabta dadka ajaaniibta ah ayaa durba la soo sheegayaa in ay dalkooda ka eryeen boqollaal qof oo Jabuutiyaan ah kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyey xamaantooda ka urursaday dalkaasi Imaaraadka isuguna jiray dad ganacsato ah iyo kuwo kale oo siyaalo kala duwan dalkaasi u joogay.
Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya waddanka Imaaradka Carabtu waxa uu sheegayaa in laanta socdaalka ee dalka Imaaraadku bilawday tallaabooyin ay culays weyn ku saarayaan Muwaadiniinta dalka Soomaaliya u dhashay ee sita Baasaaboorka Soomaaliga ah iyada oo laga cabsi qabo in ay xayiraado ku soo rogaan isticmaalka Baasaaboorka Soomaaliya iyo isu socodka Muqdisho iyo Dubai haddii ay sii xumaato xaaladda laba dhinac.
Dhinaca kale waxa soo baxaya ifafaalo muujinaya in laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dalkaasi ay daraasaynayaan qaabkii ay dadka reer Somaliland ugu fududayn lahaayeen isticmaalka Baasaaboorka Somaliland, kaasi oo qayb muhiim ah ka ah nuxurka wada hadallada Waftiga Madaxweynaha somaliland iyo Madaxda dalkaasi Imaaraadka waxaana la filayaa in dhawaan Imaaraadku soo saaro go’aan dadka baasaaboorka Somaliland sitaa ay ku heli karaan fiisaha dal-ku galka Imaaraadka kadib xidhiidhka xumaanaya ee Abu Dabay iyo Muqdisho.DDD1D059-E570-4EB2-AB51-B29AB50467FB