Qaar Ka Mid Ah Qodobada Ka Hadlaya Mashaariicda Horumarinta Somaliland Ee Waftiga Madaxweyne Muuse Biixi Ka Soo Saxeexday Dalka Imaaraatka..March 19, 2018

Qaar Ka Mid Ah Qodobada Ka Hadlaya Mashaariicda Horumarinta Somaliland Ee Waftiga Madaxweyne Muuse Biixi Ka Soo Saxeexday Dalka Imaaraatka..March 19, 201829214369_1588276184619562_3463775254596288512_n

March 19, 2018 Hargaysa (SM) – Inkasta oo waftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu wali ku sugan yahay Dalka Imaaraatka Carabta islamarkaana uu kulamo la qaadanayo Madaxda ugu saraysa Dalka Imaaraatka Carabta iyo Shirkada Dp-World ayaa haddana waxa ay warar hor dhac ahi noo xaqiijiyeen inay Kulamadaasi soo afmeermeen islamarkaana maanta la filayo Inay waftiga Madaxweyne Muuse Biixi ay dalka dib ugu soo laabtaan.
Wararka aanu ka helnay Kulamadaasi ugu dambeeyay ee dhex maray Madaxda Dawladda Imaaraatka Carabta iyo waftiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa daaha ka rogay in qodobada laga wada hadlay kulamadaasi ay ka mid ahaayeen sidii loo xoojin lahaa heshiiska Ganacsi ee dhex maray Somaliland iyo Dalka Imaaraatka Carabta ee ay waliba dhinaca kaga jirto Dawlada Itoobiya,arintaasi oo ay si weyn iskula waafaqeen labada Dhinaca islamarkaana ay isla garteen in si joogta ah looga wada hortago wax kasta oo caqabad ku ah Heshiiskaasi iyo inaanay dheg jalaq loo siinin dawladaha Shisheeye ee shucaaca ku furaya Heshiiskaasi islamarkaana doonaya inay fashiliyaan,Waxa si gaar ah ay labada dhinaca iskula afgarteen in iskaashi dhinaca Amniga ay wada yeeshaan labada Dawladood ee Somaliland iyo Dalka Imaaraatka Carabtu.

Dhinaca Kale qaar ka mid ah Qodobada lagu heshiiyay Kulamadaasi ee ka hadlaya dhinaca mashaariicda horumarinta ee Dalka Imaaraatku ugu talo galay Somaliland ee aan wali Warbaahinta laga siidayn oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in qodobadaasi ay ka mid yihiin in Passport-ka Somaliland ee hadda shaqeeya wax kabadel lagu sameeyo oo la casriyeeyo,ka hor intaan lagu tagin Dalka Imaaraatka Carabta oo dhawaan shaacinaya inuu ogol yahay Keli ah in dalkiisa loogaga soo galo dhinaca Soomaalida “Somaliland E-Passport”. Passport-ka hore ee Somaliland ayaa sida la sheegay ay Imaaraatku ka biyo diideen waxaana ay sheegeen inaanu ahayn wax shaqaynaya oo . Waxa kale oo ka mid ah in lacag gaadhaysa illaa 300 Milyan illaa 200 Milyan oo Dollar ay Dalka imaaraatku soo dhigayaan Bankiga Somaliland arintaasi oo uu Dalka imaaraatku ugu talo galay inay Somaliland ku fadhiisiso Sixir Bararka aafeeyay Dalka iyo Dollar Qaaliyawga dishooday Somaliland.

Waxa ka mid ah Qodobada Heshiiska Ku jira ee Wargeyska Foore helay ee uu Madaxweyne Biixi la soo saxeexday Imaaraatka kuwan hoos ku qoran;

1- In la badelo Passportka Somaliland ee hadda la isticmaalo, oo laga dhigo E-Passport
2 – in Hilibka Xoolaha Oo Qalan uu Dalka Imaaraatku ka iibsado Somaliland,kana Dhoofsado Dekeda Berbera.
3 – In lacag u dhexaysa 300 Milyan illaa 200 Milyn oo Dollar uu dalka Imaaraatku balan Qaaday inuu ku shubo baanka Somaliland si ay Somaliland sixir Bararka Ugu Dejiso.
4 – in Si Deg deg ah Madaarkii Dawlada Somaliland lahayd ee Berbera dhismihiisa loo bilaabo,maadaama oo kii hore Saldhig Milatari loo siiyay Dalka Imaaraatka.
5 – In Berbera laga dhigo Goobta keli ah ee ay Xoolaha Soomaalida ee Sacuudiga iyo wadamadda Carabta tagaya laga dhoofiyo oo ay marin u noqoto keligeed iyo Qodobo kale.sasxa