“ANNAGU MA DEGDEGSANAYNO AQOONSIGA CAALAMIGA AH, HADDANA ANNAGA OO OG MUHIIMADDA UU LEEYAHAY, WAANUSE U DADAALAYNAA” MADAXWEYNE MUUSE BIIXI. April 19th, 2018

“ANNAGU MA DEGDEGSANAYNO AQOONSIGA CAALAMIGA AH, HADDANA ANNAGA OO OG MUHIIMADDA UU LEEYAHAY, WAANUSE U DADAALAYNAA” MADAXWEYNE MUUSE BIIXI.
April 19th, 2018
“Annagu Ma Degdegsanayno Aqoonsiga Caalamiga Ah, Haddana Annaga Oo Og Muhiimadda Uu Leeyahay, Waanuse U Dadaalaynaa” Madaxweyne Muuse Biixi.
Hargaysa(SM) Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi cabdi, ayaa ku dooday inay Somaliland xidhiidhada ay dunida la yeelanayso ku salayso danaheeda oo ay eegto hareeraheeda dabadeedna xulato jidka ugu fiican.

Madaxweyne Biixi oo u waramay wargeyska Al-Bayaan ee Imaaraadka Carabta ka soo baxa wuxuu ku yidhi, “Xidhiidhadayada arrimaha dibadda waxa aanu u eegnaa danta dadkayaga uun. Hareerahayaga ayaa aanu eegnaa, waayo aragnimada dawladaha, markaasaanu ka doorannaa ta ugu fiican si aanu u soo qaadanno. Waxa aanu nahay dawlad soo koraysa, waxa aanu isku dayeynaa, in aanu samayno jidkii ay muwaadiniintayadu barwaaqo ku gaadhi lahaayeen.”

Mudane Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray, “Annagu ma degdegsanayno aqoonsiga caalamiga ah, haddana annaga oo og muhiimadda uu leeyahay. Waanu u dadaalaynaa, dhammaan xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland, waxa ay ka soo shaqaynayeen sidii loo gaadhi lahaa aqoonsi, laakiin sida oo kalana waxa aanu ku hawlannahay kor-u-kaca dalkayaga, iyo horumarinta nidaamkiisa maamul iyo maaliyadeed, si aanu u xoojinno dhaqaalaha, una rumayno badhaadhaha muwaadiniinta.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa wataa wuxuu yidhi “Aqoonsigu waa muhiim, laakiin asal ahaan waa jid lagu gaadho rumaynta in muwaadiniintu badhaadhe ku noolaadaan. Sidaa awgeed laba jid ayaa aanu is barbar wadaynaa, xidhiidho diblumaasiyadeed iyo siyaasaddii aanu xidhiidhadaa ku gaadhi lahayn oo jid ah, iyo ka kale oo ah, in aanu xidhiidho dhaqaale oo xoog badan la yeelanno dawladaha nala shaqaynaya ee fahamsan qadiyaddayada.”Daawo Muqaal:Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Axmed Oo U Asteeyey 15ka April Maalin Qaran Oo Dhir Beeris Ah..April 10.18