(Akhriso) Taariikh nololeedka Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maxkamada sare ee dalka..May 27.18

(Akhriso) Taariikh nololeedka Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maxkamada sare ee dalka..May 27.18

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ka soo jeeda Somaliland.

Bilowgii sanadkan waxaa loo magacaabay Agaasimaha Fulinta Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani oo ka mid asxaabta siyaasadda Somaliland, hase ahaatee labo bilood kaddib ayuu iska casilay.

Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo noqday Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Shaqada Somaliland.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla dalka Ingiriiska.

Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qareen iyo cilmi baare sharci. Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha garsoorka iyo talo-bixinta sharciga.

Waxa ay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay kamid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado ka tirsan dowladda federaalka ah oo ay kamid tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland.

Waxa uu la taliye kasoo noqday Maxkamadda Sare ee Soomaaliya sanadkii 2016-kii, waxaa uu na sidoo kale muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa ururka isu-tagga qareennada ee Somaliland.F677C791-A20E-46CF-AEA3-D64A33D3AE0C