MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO KU SII JEEDA DALKA QATAR IYO UJEEDADA UDARAN YAHAY SOCDAALKIISU. May 13th, 2018

MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO KU SII JEEDA DALKA QATAR IYO UJEEDADA UDARAN YAHAY SOCDAALKIISU.
May 13th, 2018
Madaxweynaha Somaliya Oo Ku Sii Jeeda Dalka Qatar Iyo Ujeedada Udaran Yahay Socdaalkiisu.
Muqdisho(Gebogebonews)-Madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Doxa ee dalka Qatar, halkaasoo uga bilaaban doonta booqasho rasmi oo socon doonta labo cisho.

Amiirka dalka Qatar ayaa casuumaad rasmi ah u soo diray Madaxweyne Farmaajo, iyadoo bishii March uu Madaxweynuhu uga baaqsaday safarkaas xaalado siyaasadeed oo dalka ka jira, gaar ahaan mooshinkii Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Qatar iyo Soomaaliya ay kala saxiixan doonaan heshiisyo mashaariic ah oo ku baxaya lacago gaaraya boqolaal milyan.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar ayaa ku soo aaday, iyadoo xiisada khaliijka ay saameyn ku yeelatay Soomaaliya, iyadoo xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu xumaaday, waxaana muuqata in dowladda ay la kulantay cadaadisyo xooggan oo ka dhashay khilaafka Khaliijka ee kol hore ay ka qaadatay mowqif dhex dhexaad ah.

Hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilaa in aysan muuqan dhex dhexaadnimadeeda, marka la eego sida Madaxtooyada ay aad ugu dhow dahay Qatar iyo kaalinta muuqata ee ay xilligan ku leedahay siyaasadda Soomaaliya, iyadoo lagu xanto in doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo taageero dhaqaale ka geysatay, sidoo kale Agaasimaha Madaxyooyada Fahad Yaasiin oo xilligan lagu tilmaamo nin awood badan ku dhex leh dowladda uu yahay xiriir dhow la leeyahay Qatar.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Qatar ayaa noqonaya kii labaad oo uu ku tago dalkaas, iyadoo sanadkii hore ay aheyd markii uu booqasho rasmi ku tagay, ka hor inta uusan bilaaban khilaafka dowladaha Khaliijka.E7128AD0-35DF-4B9D-BF77-1524B078EEED