Guddoomiye Sharmarke Geelle Oo Barito Fasaxay Shaqaalaha Dawladda, Shacabka Somaliland-Na U Diray Dhambaal Hambalyo Oo Xuska 26-Ka June Ee Maalintii Somaliland Ay Xoriyaddeeda Ka Qaadatay Gumaystihii Ingiriiska

Guddoomiye Sharmarke Geelle Oo Barito Fasaxay Shaqaalaha Dawladda, Shacabka Somaliland-Na U Diray Dhambaal Hambalyo Oo Xuska 26-Ka June Ee Maalintii Somaliland Ay Xoriyaddeeda Ka Qaadatay Gumaystihii Ingiriiska

 sharmarke

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa shacabka reer Somaliland u dirtay dhambaal Hambalyo ah isla markaana Fasaxday Shaqaalaha Dawladda,  Xuska  maalinta 26/June oo ku beegan 26/6/1960-kii oo ah maalintii Somaliland xoriyadeeda ka heshay Maxmiyadii Ingriiska halkaas oo Hargeysa laga taagay calankii u horeeyey ee xor ah guud ahaan inta Soomaali degto.

Guddoomiyaha Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa ku dhawaaqay inay Barito oo maalin Salaaso ah shaqaalaha dawladdu  fasax yihiin, maadaama oo ay ku beegan tahay xuska sannad  guuradda maalintii Somaliland xoriyadeeda ka heshay Maxmiyadii Waddanka Ingriiska ee Hargeysa laga taagay calankii u horeeyey ee xor ah guud ahaan inta Soomaali degto, waxaanu guddoomiye Sharmarke Geelle dhambaal Hambalyo iyo duco ah u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland eek u naaloonaaya qarankooda Madaxa banaan ee 1960-kii xoriyaddooda ka qaatay waddanka Ingiriiska.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo qoraal uu ku fasaxay shaqaalaha dawladda xuska 26-ka May awgeedna u diray shacabka iyo qaranka reer Somaliland waxa uu yidhi.

Hambalyo Munaasbadda 26-ka June iyo Wargelin Fasax
“Kana Siib, Kanna Saar” (Ab. C/laahi Suldaan Timacade)

Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan berito oo Salaasa ah taariikhduna tahay 26-ka June waxa ay ku beegan tahay maalintii Somaliland xoriyadeeda ka heshay Maxmiyadii Ingriiska halkaas oo Hargeysa laga taagay calankii u horeeyey ee xor ah guud ahaan inta Soomaali degto.

Sidaa darteed, guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo dareensan muhiimadda Maalintani u leedahay guud ahaan shaqaalaha dawladda , sida oo kalena qiimaynaya in shaqaalaha dawladdu helaan fasaxa sannadeedka ay xaqa u leeyihiin, waxa ay ku wargelinayaan shaqaalaha dawladda in maalinta Salaasada oo ku beegan 26/06/2018 ay noqon doonaan maalin fasax halkaas oo shaqaalaha dawladdu ka nasan doonnaan maalin hawleedkii shaqo iyada oo shaqada lagu soo laaban doonno maalinta Arbacada ee bishu tahay 27/06/2018

Ugu dambayn, waxa aan ugu hambalyeynayaa guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo gaar ahaan shaqaalaha dawladda JSL maalintan qaran, waxa aanan u rajaynayaa in Sannadka sanadkiisa lagu gaadho guul, gallad iyo gobonimo.

Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar “Ab. Cabdilaahi Suldaan Timacade”

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL