Beesha Caalamka Oo Mar Kale Baaq Culus U Soo Jeedisay Somaliland iyo Somaliya ,Uguna Baaqdey In Deg Deg … July 17, 2018

International_Flags22Beesha Caalamka Oo Mar Kale Baaq Culus U Soo Jeedisay Somaliland iyo Somaliya ,Uguna Baaqdey In Deg Deg …

July 17, 2018 Hargaysa (SM) – Wargeyska Geeska Africa Ayaa
arkay war murtiyeedka la filaayo in maanta laga soo saaro shirka Brussels loogu qabtey dawlada Somaliya .

War Murtiyeedan Geeska Africa Arkay oo qabyo qoraal ah ayaa ka kooban 75 qodob , waxaana laba qodob oo ka mid ahi ay khuseeyaan Somaliland , kuwaas oo kala ah qodobka 20 aad iyo 21 aad .

Qodobka 20 aad ayaa ka hadlaya dagaalka Tukoraq . ” waxaanu si qoto dheer uga walaac sanahay soo kicitaanka xiisada Tuko-raq ee gobalka Sool , waxaanu ugu baaqeynaa Somaliland iyo Puntland inay si deg deg ah u sameyaan xabad joojin , ciidamada la kala baxaan oo ay bilaabaan wada hadal , bilaa shuruud-na ku ogolaadaan arimaha binu aadantinimada ” sidaas ayaa lagu yidhi qodobka 20 aad .

Qodobka 21 aad ee war murtiyeedkan ayaa wali ah mid qabyo qoraal ah ayaa waxaa uu isna Somaliland iyo Somaliya ugu baaqayaa inay dib u bilaabaan wada hadaladii Hargeysa iyo Moqdisho

” Waxaanu ugu baaqaynaa Somaliya iyo Somaliland inay dib u bilaabaan wada hadaladii sida ugu horeysay ee ugu suurto galsan si is-faham waara u dhaxeeya loogu raadiyo nabad galiyo ” ayaa lagu yidhi qodobkan oo madaxda soomaalidana guud ahaantood loogu baaqay inay cadeyaan inay ka go,an tahay wada xaajoodku .

War Murtiyeedkan ayaa waxaa uu sidoo kale uu ka hadlayaa xaaladaha kala duwan ee Somaliya Mareyso iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed eek u xeeraan dawlada Somaliya , waxaana shirk aka qeyb galaya madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo madaxda Maamul gobaleedyada.

War Murtiyeedka maanta waxaa soo saaraya dalalka shirka hagaya ee qabtay oo ay ka mid yahiin Mareykanka , Midowga Yurub , Qaramada Midoobey , Jaamacada Carabta iyo dalalka kale ee deeq Bixiyayayaasha

Source:- Geeska
Salaanmedia/Hargaysa