Daawo Sawirada :Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay magaalada Brussles..July 15.18

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Brussles ee caasimada dalka Biljamka, waxa uuna Farmaajo halkaasi kaga qeyb gali doonaa shir looga hadlayo arimaha Somaliya.Wafdiga Madaxweyne Farmaajo waxaa si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada oo uga sii horeeyay magaalada Brussles iyo xubno badan oo kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdiga la socda ayaa magaalada Brussles uga  qeybgalaya  shir muhiim ah oo looga hadli doono horumarinta Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Brussels 16 -17 bishan Luuliyo.

Shirkan ayaa daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.