Dowlada Somalia oo mar kale eedeyn dusha kaga tuurtay Dowladda Imaaraadka Carabta..July 26.18

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ee Somalia, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay dowlada Somalia oggolaatay dadaalkii ay Dowladda Sacuudiga ku doonaysay in lagu xaliyo Khilaafka diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta.

Cawad ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka ay ka caga jiideyso in xal rasmi ah laga gaaro khilaafka, halka ay Somalia ka ogolaatay wadahadal qabyo ah oo hadda socda.

“Ka dowlad ahaan waan soo dhaweynay Hindisaha Walaalaheenna Sacuudiga ee dhexdhexaadinta iyo dadaalladda kale ee dowladaha Carabta iyo kuwa gobolka laakiin dhinaca kale, Walaalaheenna Imaaraadka ilaa iyo hadda jawaab lagama hayo.

Waxaa uu Imaaraadka carabta ku eedeeyey ineysan daacad ka aheyn xal laga gaaro khilaafka waxaana uu intaas ku daray ineysan jirin wax shuruud ah oo ay ku xireen wadahadalka.

Mar la weydiiyey wasiir Cawad sababaha ay dowladu ugu celin la’dahay Imaaraadka Lacagtii cadadeedu aheyd 9.6 million oo Dollar ee bishii April 8-dii  ee sannadkan lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ayuu sheegay inay diyaar u yihiin wareejita lacagtaasi oo xusay iney jirin dan gaar ah oo ay dowladu ka leedahay.

Waxaa uu sheegay in xiriirka xumaaday ay sabab u tahay dowlada Imaaraadka oo uu sheegay iney fara gelin qaawan ku sameysay arrimaha gudaha ee Somalia, wuxuuna xusay in dowladu aysan aqbali Karin falal lidi ku ah qaranimada iyo madax banaanida Somalia.

Somalia flag with UAE flag, 3D rendering
Somalia flag with UAE flag, 3D rendering