GUDDOOMIYAHA GOBOLKA MARROODIJEEX EE WADDANI OO TAAGEERAY QODDOBADDII KA SOO BAXAY SHIRKII BEELAHA GARXEJIS..July 03 2018

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA MARROODIJEEX EE WADDANI OO TAAGEERAY QODDOBADDII KA SOO BAXAY SHIRKII BEELAHA GARXEJIS
(SM) July 03, 2018
Guddoomiyaha gobolka Marroodijeex ee Xisbiga WADDANI Oo Taageeray Qoddobadda Ka Soo Baxay Shirkii beelaha Garxejis

Hargaysa(SM):-Guddoomiyaha gobolka Marroodijeex ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xuseen Aadan Cadde, waxa uu si buuxda u taageeray go’aannadii ka soo baxay Shirkii beelaha Garxejis ku qabsaddeen Buurta gacan Libaax ee degmadda Go’dda wayn oo ka tirsan gobolka Saaxil ee Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Marroodi jeex ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xuseen Aadan Cadde waxa uu sidoo kalenna si buuxda u boggaadinayaa Ugaaska guud ee beelaha Arab Ugaas Ahmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi), oo khudbad taariikhiya ka jeeddiyay xidhitaankii shirkii beelaha Garxejis ku qabsaddeen Buurta gacan Libaax, waxaannu sheegay in Ugaaska guud ee beelaha Arab uu yahay Hoggaanka ugu sarreeya Madax-dhaqmeedka beelaha

arab, waxaannu soo dhaweeyay Qoddobadda laga soo saarray Shirkaas oo intoodda badani khuseeyay Caddaalada, Wax qaybsiga iyo Sinnaanta khayraadka Somaliland, iyaddoo lagu War-murtiyeedkaas lagu sheegay inaan loo sinnayn Somaliland-tii lagu soo dhisay Axdi qarammeedkii beelaha Somaliland ku wada gaadheen magaalada Boorrama 1993-kii.
“Waan ayid-sannahay Qoddobadda ka soo baxay Shirkii beelaha Garxejis ku qabsaddeen Buurta gacan libaax, waannu la qabnaa darreenka ah inaan loo sinnayn khayraadka dalka, waannu la qabnaa in Somaliland laga leexiyay Majarihii lagu aasaasay, waxaannu aamminsannahay in cid gaar ahi isku koobtay Khayraadkii la wada lahaa ee Somaliland, waxaannu qiraynaa inay jiraan tabashooyin dhanka Shaqo bixinta ah ama wax qaybsiga khuseeya” Ayuu yidhi Guddoomiye Xuseen Aadan Cadde

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodijeex Md. Xuseen Aadan Cadde waxa uu u soo jeeddiyay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaannu yidhi “Madaxweyne Muuse Biixi waxaan u soo jeeddinayaa innuu dhagaysto tabashadda shacabka, oo uu wax ka qabto meelaha sida wayn Caddaalad-daradu uga jirto, waxaannu qabnaa in Qoddobadda iyo tallooyinka shirkaas beelaha Garxejis ka soo baxay haddii siddooda loo qaato wax wayn laga badali karro hannaanka Somaliland maanta ku socoto oo qalooc badani ku jiro” Ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Marroodijeex ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xuseen Aadan CaddeDaawo Muqaalkan…”Dawladda Soomaaliland waa ta ugu faanka badan,uguna cabashadda Badan” Gudoomiyaha  Xisbiga Waddani UK Muj:Huseen Aadan Cade.