Maxaa ka jira in Khilaaf uu u dhaxeeyo Farmaajo iyo Kheyre ?..July 23.18

Warbaahinta qaarkood iyo baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahinayay saacadihii lasoo dhaafay warar sheegaya in uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre.

Warkan la xariira khilaafka la sheegay in Madaxda sare uu u dhaxeeyo ayaa sidoo kale si weyn loogu hadal hayay Hoteelada iyo goobaha ay Soomaalidu ku fadhi diriraan, waxaana la faaqidayay arimo la sheegay in labada masuul ay isku qabteen.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa noo sheegay in uusan jirin wax khilaaf muuqda oo u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, waxa ayna sheegeen in warka khilaafka uu yahay mid been abuur ah.

Xubnahan aan la hadalnay ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha xili kasta ay is arkaan kana wada tashadaan qorshayaasha dowlada iyo waxii soo kordha , waxa ayna meesha ka saareen in khilaaf xoogan uu labada masuul u dhaxeeyo.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aadna ugu dhaw Madaxda dowlada oon la hadalnay ayaa noo sheegay in aysan jirin wararka suuqa la galiyay ee sheegaya in uu khilaaf uu jiro.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in buun buuninta warkan ay siyaasad ka dambeyso ayna faafinayaan dad doonaya in ay hoos u dhigaan sumcada dowlada lana curyaamiyo howlaha adag ee dowlada horyaala.

Goobaha fadhi ku dirirka iyo baraha bulshada ayaa lagu hadal hayay saacadihii lasoo dhaafay in Kheyre iyo Farmaajo isku qabteen shaqo ka fariisin lagu sameeyay Taliyaal ciidan iyo Maareeyihii Hay’ada duuliista iyo arimo kale oo la xariira dhinaca amaanka.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in ay jiri karaan kala argti duwanaasho soo kala dhax gali karta Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayna tahay mid labadooda xalin karaan balse aan lagu tilmaami karin khilaaf.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa lagu amaanay wadashaqeynta fiican ee ka dhaxeysa mudo hal sano iyo bar ay wada shaqeenayaan, mana jiro ilaa hada khilaaf muuqda oo labada masuul soo kala dhax galay intii ay wada shaqeenayeen.

 

Source Albandir