Raisul Wasaaraha Soomaaliya Khayre & wafdi uu horkacayo oo u ambabaxay Garoowe..July 29.18

Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka dayuuradaha Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu halkaasi  ka dhagax dhigi doonaan Mashaariic loogu tala galay in Puntland lagu hormariyo.

Waxaa uu sidoo kale ka qeyb gali doonaa Xafladda Sanadguuradii kasoo wareegatay Markii la Aasaasay Maamulka Puntland.

Waxaa lagu waddaa sidoo kale inuu taggo Magaalooyinka kale oo ku yaalla Puntland.

Diyaar garow ku aadan soo dhoweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socota magaalada Garowe, waxaana faras-magaalaha la suray sawirka Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadkan ka dhacaya magaalada Garowe ayaa looga hadlaya xaalada dalka.

Waa markii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare Kheyre oo tago Puntland tan iyo intii uu xilka loo magacaabay sanad iyo bar ka hor.

1