Ra’isul Wasaare Abiy oo loogu baaqay in uu xaliyo Colaada u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada.July21.18

Dalka Itoobiya gaar ahaan deegaanada ay wada dagaan Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka socday dagaalo dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay labada Qowmiyadood. Xili Colaad ay wali ka jirto qeybo kamid ah dalka Itoobiya ayaa loogu baaqay Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed in uu qaado talaabooyin deg deg ah oo lagu xalinayo colaada u dhaxeysa labada Qowmiyadood.

Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in 30ka bishan July booqasho ku tago magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, waxaana magaaladaasi kunool dad badan oo kasoo jeeda Qowmiyadaha Soomaalida Itoobiya iyo Oromada. Qaraar ay soo saareen Golaha Deegaanka ee Magaalda Minneapolis, uuna ku saxiixnaa Duqa magaalada Jacob Frey, ayaa loogu baaqay Dr. Abiy Ahmed in dowladiisa ay joojiso colaadda u dhaxaysaa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada .

Waxaa sidoo kale loogu baaqay Dowlada Itoobiya in ay ilaaliso amniga, hantida iyo xuquuqda aadanaha ee bulshooyinka labada qowmiyadood oo dhawaanahaan ay dagaalo ku dhexmarayeen deegaanno ka tirsan wadanka Itoobiiya. Dowlada Itoobiya ayaan wali ku guuleesan in ay soo afjarto colaada ka dhax aloosan labada qowmiyadood, waxa ayna dowada Ciidamo badan oo isugu jira Milatari iyo booliis geeyeen qaar kamid ah deegaanada lagu dagaalamayBEC0EAE6-DAD6-4C6B-9AD3-C2E54127A920