Guddoomiye Cirro oo shacabka Somaliland iyo xisbiga WADDANI ka tacsiyadeeyey geeriddii ku timid marxuum Axmed Siciid Bootaan oo ka mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga oo shil-gaadhi ku dhintay.

Guddoomiye Cirro oo shacabka Somaliland iyo xisbiga WADDANI ka tacsiyadeeyey geeriddii ku timid marxuum Axmed Siciid Bootaan oo ka mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga oo shil-gaadhi ku dhintay. Musharax Ciro Oo Tacsi U Diray Ehelkii Iyo Qarabadii Fanaanad Sahra Axmed Jaamac +[ Muuqaal ]========================================= Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ahna huddoomiyaha xisbiga Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, ka guddida fullinta, garabadda dhallinyarada iyo haweenka iyo taageerayaasha xisbiga ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa-ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaya geeriddii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Axmed Siciid Botaan oo ku geeriyooday shilgaadhi oo ka dhacay gobolka Sanaag.

Guddoomiye Cirro waxa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi baddan isla markaana-na uu ka mid ahaa halgamayaashii xisbiga guud ahaan, gaar ahaana aad uga howlgalay xiligii ololihii doorashada madaxtooyada. Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ugu dambeyntii uu Alle uga baryayaa marxuumka in uu ilaahay godka u nuuriyo sida oo kalena uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul gardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo Xisbiga WADDANI iyo asxaabtii uu ka baxayna uu samir iyo iiman ka siiyo. Aamiin aamiin.

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI. Hargeysa-Somaliland