Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo TACSI u diray Geerida Marxuum XildhibaanCabdiqaadir Askar Xasan Oo Ku Geeriyooday Magaalada LONDON

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo TACSI u diray Geerida Marxuum XildhibaanCabdiqaadir Askar Xasan Oo Ku Geeriyooday Magaalada LONDONMusharax Ciro Oo Tacsi U Diray Ehelkii Iyo Qarabadii Fanaanad Sahra Axmed Jaamac +[ Muuqaal ]

Wednesday August 01, 2018 –

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum XildhibaanCabdiqaadir Askar Xasan Oo Ku Geeriyooday Magaalada LONDON INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) waxa uu tacsi u diray , golayaasha Qaranka Somaliland , waayeelka, wax-garadka ,eheladii Qaraabadii,qoyskii iyo shacabka Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha- u naxariistee Marxuum XildhibaanCabdiqaadir Askar Xasanoo habeenkii Xalay ahaa 01/08/2018-kaku geeriyooday Magaalada London ee Dalka ingiriiska Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) wuxu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo mudaneyaashii aqalka golaha Wakiilada Somaliland ee uu Marxuumku ka tirsanaa mudada dheer isaga oo ku sifeeyey inuu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi,Waxa kale oo uu xusay in Marxuumku uu muddo dheer ka soo mid ahaa xildhibbaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee wakhtiga badan u soo hurey siddii qaranka Somaliland u horumari lahaa una heli lahaa shuruuc iyo nidaamyo kala dambeyneed oo ku dhisan sharciyo adag. Guddoomiye Cirro wuxu Alle uga baryayaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Waaxda War-baahinta Xisbiga WADDANI