Mas’uul Ka Tirsanaa Golaha Wakiiladda Soomaaliland Oo Geeriyooday ..Aug 01.18

Mas’uul Ka Tirsanaa Golaha Wakiiladda Soomaaliland Oo Ku Geeriyooday..Aug 01.18

Allah ha u naxariistee Waxaa Magaalada London ee dalka UK ku geeriyooday mid kamid ahaa Xubnaha Golaha Wakiilada Soomaaliland,iyadoo halkaasi loogu qaaday Xaalad Caafimaad.

Mas’uulkan ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Askar Xasan,waxaana Ehelada Marxuumka ay sheegeen in ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Dalka Ingiriiska.

Deegaan ahaan ayaa la sheegay in Golaha Wakiilada Soomaaliland uu ka soo galay gobolka Sool,isaga oo dhowr mar ka qeyb galay Wadahadalo lagu nabadeynayey Beelo dhowr mar ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolkaas.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Seylici, Xubnaha Golaha Wakiilada ayaa waxa ay ka tacsayadeeyeen Geeriada ku timid Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan.

Shabakadda Salaanmedia hawl wadeenadeeda meelkasta oo ay joogaan waxay Tacsi u dirayaan Ehelkii ,Qaraabadii iyo Dhamaan shacabka Somaliland.