Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & Gavin Williamson? (Daawo Sawirro)..Aug 01.18

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa kulan gaar la qaatay Xoghayaha Difaaca dalka UK Gavin Williamson oo shalay soo gaaray Muqdisho.

Gavin Williamson ayaa sidoo kulamo la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Somalia iyo taliyaha Ciidamada Xoogga dalka

Kulamadan ayaa waxay dhamaantood la xiriireen arrimaha Militariga iyo sidii dowladda UK qayb uga qaadan laheyd kordhinta taageerada ciidanka xoogga dalka.

Kulan gaar ah oo Madaxtooyada Somalia ay ku wada qaateen Xoghayaha difaaca Britain Gavin Williamson iyo Madaxweyne Farmaajo ayuu uga mahadceliyay taageerada dowladda UK ay siiso Somalia.

Gavin Williamson ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madaxda iyo taliyeyaasha Ciidamada Midowga Afrika ee jooga xarunta Xalane, wuxuuna ka dhageystay warbixin la xiriirta dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo howlgalada socda.