Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Dhaqan Geliyey Afar Xeer Oo Dalka Ku Cusub. Warsaxafaded Aug 28 2018

Daawo Muqaal:Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Shacabka Reer Somaliland Ku Hambalyeey Xuska 26-june…June 25.18WARSAXAAFADEED:Madaxweynaha Somaliland Oo Dhaqan Geliyey Afar Xeer Oo Dalka Ku Cusub

Aug 28 2018 Hargaysa (SM) – WARSAXAAFADEED:Madaxweynaha Somaliland Oo Dhaqan Geliyey Afar Xeer Oo Dalka Ku Cusub
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-191/082018, ku dhaqan- geliyey afar Xeer.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

1. Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
2. Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.
3. Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
4. Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-
37/804/2018, summaddiisuna tahay Ref: GW/9/26/166/2018, kuna taariikhaysan 05/08/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerarka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018; Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018; Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018; iyo Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018;

Markaan Arkay: Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda

Somaliland;
Waxaan soo-saaray;

1. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo
Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
2. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka,
Xeer Lr. 79/2018.
3. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland,
Xeer Lr. 80/2018.
4. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka,
Xeer Lr. 77/2018.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland