Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ka baaqday Shirka Golaha Guud Q/M iyo sababta ka dambeysa.Sep22.18

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ka baaqday Shirka Golaha Guud Q/M iyo sababta ka dambeysa.Sep22.18

 

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sanadkii labaad oo xiriir ah ka baaqanayo ka qeyb galka Shirka Golaha Guud Qaramada Midoobey ee ka dhacaya Mareykanka.

Shirka Golaha Guud Qaramada Midoobey ayaa ka dhacaya magaalada New York, waxaana shirkan ka qeyb galaya Madax kala duwan oo caalamka ka socda kuwaa oo khudbado ka jeedinaya shirka.

Sanadkii hore Soomaaliya waxaa shirkan ku matalay khudbadna ka jeediyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana sanadkan sidoo kale shirkaasi Soomaaliya ku matalaya Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya.

Amb. Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa la filayaa in shirkan ku matalo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya halkaasna ka jeediyo khudbada Madaxweynaha oo qoraal ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baaqashadiisa shirka Golaha Guud ee Q/Midoobay waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, Madaxweynaha ayaana heesta baasaboorka Mareykanka , waxaana hadii uu Mareykanka tago noqonayaa muwaadin caadi ah oon xasaanad laheyn.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo doonayay in uu ku baxo Baasaboorka diblumaasiga Soomaaliya balse loo diiday in la siiyo viisaha dalka Mareykanka.

Madaxda Hogaamnisa Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa badankood waxa ay heestaan baasabooro dalal kale oo shisheeye ah, waxaana aad ugu yar golayaasha kala duwan ee dowlada Masuul aan heysan baasaboor dal kale.farmaajo