Caasha Maxamud waa haweenayda uu Raiisal wasaare Abby Ahmed u magacabay wasiirka Difaaca ee Dalka Itoobiya Oct 17.18

Ethiopian Caasha Maxamud waa haweenayda uu Raiisal wasaare Abby Ahmed u magacabay wasiirka Difaaca ee Dalka Itoobiya Waana haweenaydii koobaad ee taariikhda dalka itoobiya noqota wasiiru difaac iyadoo ay dunidaba naadir ku tahay haweenay loo dhiibo xilkan wasiiru difaaca.Oct 17.18

Hadaba bal aynu iska taagno dhanka dareenka siyaasiga ah xilkan wasiirka difaaca ee loo magacaabay marwo Caasha Maxamud Marka laga eego dhinacayo badan oo dhamaantood bixinaaya sawiro siyaasadeed oo isku dhawdhaw amaba la odhan karo waa isku hal sawir waxaa kuusoo baxaaya oo aad arintan ugubka ah ka dhex helaysaa dareen siyaasadeed oo fiiradiisa leh markaad eegto

Xukumadda uu soo dhisay Raiisal wasaare Abby Ahmed oo in ku dhaw 40% ay haween yihiin golihiisa wasiiradda kuna +garayso xubintan sida qoraxda uga dhex muuqatay xukumadiisa ee indhaha saxaafada Dunida iyo aragtiyaha siyaasiga ahba soo jiidatay ee ah wasiirka wasaaradda Difaaca oo uu Ruux Dumara u magacaabay .

Waxa halkaa laga dareemayaa inuu jiro taxadir badan samaynaayo Raiisal wasaare Abby Ahmed sikale hadaan u dhigo waxaa la odhan karaa Mr Abby Ahmed wuxuu in badan iska moosay meel kasta oo uu daad kasoo geli karo hogaamintiisa taasina waa talaabo geesinimo ka maquuto walaw shakiga ka muuqada Arimahani uu yahay mid aan daah saarayn hadana siyaasada ayaa taxadirka iyo shakiguba wehelkeeda yihiin waxaana la odhan karaa Mr Abby Ahmed tadqadii hal mar ayuu xaga kale u rogay lagamana yaabo in dhawaanahan khidad tiisa ka saraysa cidi soodhisi karto marka la eego qaabka dabin ka boodnimada ah ee uu u ciyaaray jagida siyaasadeed Waxaana si wayn uga muuqata shaxdiisa kala fur uu kala furay xadhko laga yaabo inay xidhiidhsanaayeen walaw aanay jirin wax si cad loo ogyahay oo la xadhiidha afgembi iyo wax la halmaalaa hadana waxaad ka dareemi kartaa ciyaartoyga uu garoonka soo geliyay ee lama filaanka noqotay.

Waxaana lagu tilmaami karaa ciyaarta maska raadkiisa tan uu ciyaaray Mr Abby Ahmed xiligan uu dalkiisu kujiro kala guurka siyaasadeed maadaba ay markani tahay markii labaad ee uu soodhisay Gole wasiiro oo cusub tan iyo markii uu talada dalka majaraha u qabtay bishii April Sikastaba ha ahaatee wuxuu Mr Abby Ahmed u muuqdaa Dareewal sifiican uga haya baabuurka jidka uu hayo ee ku aadan hogaamintiisa dalka itoobiya madaaba

By Sacad Cali Kaahin Balaaki