Taariikhdii Sheekh Maxamed Shukri oo ku geeriyooday Magalaada Burco Allah ha u naxariistee…Nov 13.18

downloadTaariikhdii Sheekh Maxamed Shukri oo ku geeriyooday Magalaada Burco Allah ha u naxariistee…Nov 13.18

Taariikhdii Sh.Maxamed Shukri oo Kooban
———————————————————————-

Indhuhu Way illmaynayaan , Qalbiguna Wuu Murugoonayaa , Wax aan Rabbi raali ka ahaynna Odhan mayno ,

Dhalashadii illaa Dhigashadii Sheekha
•••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••

Alle ha unaxariistee Sheekh Maxamed Shukri Xasan Jaamac wuxuu dhashay 1955 , Waxbarashadiisii Hose/Dhexe wuxuu ku Qaatay Dugsiyada kala ah Guryasamo & Axmed Gurey ee Magaalada Hargaysa ,

Dugsigii Sare Illaa Jaamacadii lafoole wuxuu ka dhigtay Magaalada Muqdisho , in kastoo nasiib darro aanu Sheekhu dhammays tiran jaamacada , sababtoo ah wuxuu ka mid ahaa dhalinyaro wadaado ahaa oo Xukuumadii M.Siyaad Barre ee Hanti-wadaaga ahayd ay Xadhig iyo Xayyiraad , Dabagal iyo Doon-doonis ladaba taagnayd , illaa ay kaliftay in Sheekhu sii wadan kari waayo waxbarashadiisii jaamacadeed , taas oo keentay in uu ka baxsado Magaaladii Muqdisho kadib markii Magaciisa lagu soo daray liis dhalinyaro Culimo ahaa oo lala rabay Xadhig iyo Xukun dheer oo intoodii badnayna lawada Qab-qabtay ,

Muddo kadib oo xaga dawlada wax iska yara badaleen Sheekhu waxuu dib ugu soo noqday Magaaladii Muqdisho isagoo Macalin ka noqday Kulliyadii Sare ee Agoomaha ee loo yaqaanay Oodh-fanada ,

Tarantii & Tanfiirtii Sheekha
••••••••••••••••••••••••••••••••••••

Sh.Maxamed Shukri Xasan allah ha uraxmadee wuxuu ifka kaga tagay 10 caruur ah , 5 wiil iyo 5 gabdhood , oo ay ukala dhaleen laba dumar ahi , Xaaskiisii waynaa oo sheekha ka geeri horaysay kuna geeriyootay Dalka Emarat-ka oo xanuun loogu Qaaday Sanadku markuu ahaa 2001-dii oo iyaduna ahayd Sheekhad weyn oo Daaciyad ah , lagana yaqaano Gobalka , Magaceeduna ahaa HINDA XAAJI MUUSE waxay udhashay 7-Caruur ah ( 5 wiil & 2 Gabdhood) , Halka Xaaskan Danbe ee hadda Sheekhu ka geeriyooday oo layidhaahdo FAADUMO C/LAAHI iyaduna ay udhashay 3-hablood oo laba mataano yihiin ,

Tilmaantii Sheekha
••••••••••••••••••••••••••••

Sheekhu wuxuu ka mid ahaa Culimada ugu W/weyn Soomaaliya , Soomaali-land , iyo Magaalada Burco intaba, wuxuu ka mid ahaa Tiirarkii iyo Tusaalihii ay ku tagnayd rukumadana u ahaa Dacwada iyo Diinta Islaamku ,

Sheekhu wuxuu ahaa shakhsi raxmad badan , Deeq badan , Wajji furan , Kaftan badan , Isdhul-dhig badan , tawaaduc badan , Ruuxa weyn iyo Ruuxa yar isku si ula sheekaysta , ula socda , wuxuu ahaa Qof dadka la wadaaga dareenkooda , Isagoo aan sheekhu Camal aduunyo iyo Hanti buuran midna haynin hadana ruuxa uu ka war helo in ay lasoo daristay Xaalad adag sida Baahi-xanuun ama Baahi-daneed muu fadhiisan jirin mana nafisi jirin illaa uu la naf Qayb-sado iskuna dayo in uu wuxuun ka daboolo dhibtada haysata xittaa hadii ay ku kalifayso in uu dayn usoo Qaato ,

Tacabkii Sheekha
—————————-

Sheekh M.Shukri Wuxuu ahaa Daaci is diray oo faafiya Diinta islaamka , una dhago nuglaa baaqyada Dacwadeed , noloshiisa intii badnaydna kusoo Qaatay , Gudashada Dacwadda iyo Daacada rabbi , Diinta iyo Dadaalka Aakhiro , Tilmaanta iyo toosinta Bulsho , waxaynu odhan karnaa Sheekhu wuxuu Naftiisa , Maalkiisa , Maskaxdiisa , iyo Muruqiisaba u Hibeeyay Wacyi galinta iyo Waanada Walaalihiisa Muslimka ah ,

Sh.Maxamed wuxuu ahaa Sheekha kaliya ee sida joogtada ah udhigi jiray Kutubta W/weyn ee Marjica iyo Mus-danbeedka u ah Diinta islaamka ee loo yaqaano Ummuhaatu Sitta (أمهات الستة) , taas oo uu waday illaa ay soo Qalan jabiyeen Diktooradii Gobalka Togdheer kana nasiyeen Qayb ka mid ah kutubtii , waxa kale oo tilmaan leh Sheekhu waligii ma dhaafin kamana kicin goob lagu baranaayo Darsi ama kitaab , xitaa hadii ardaydiisa ka ugu yari bilaabo Arbaciinka sheekhu wuxuu ahaa ardayga ugu horeeya ee ku taxnaada Darsiga ,

Sheekhu wuxuu Maamule , Macalin , iyo Murabbi , intaba ka ahaa Xarunta ugu weyn Magaalada Burco ee lagu Xanaaneeyo Caruurta Agoomaha ee loo yaqaano XARAMAYN , taas oo tiradoodu kor udhaafayso boqolaal arday , sidoo kale Sheekhu wuxuu ahaa Khadiibka rasmiga ah ee Jimcaha kasoo jeediya Masaajidka DACWAH ee Xaafada Tuurta/Burco ,

Sheekhu Waligii kamuu Daalin wacdi iyo wax sheeg , Waano iyo wax dhigid , wuxuu caan ku ahaa Khudbadaha , Muxaadarooyinka ,iyo dhamaan Minbarada laga sheego wanaaga oo dhan , Xitaa Habeenkii jimcahu soo galaayay oo uu Xanuunka usoo dhacay isla Subaxii Sabtida wuxuu muxaadaro Caam ah oo looyaqaano ” Dacwatul-shaaric ” ka jeediyay Barxad banaan ee Masjidul-khaliil Burco , isagoo aad ugu dheeraaday Kalmad ku saabsan “Mawddka iyo udiyaar garawgiisa ” oo uu Ciwaan uga dhigay ( ولاتموتنّ إلاوأنتم مسلمين) ,

Isla Galab nimadii Jimcaha oo uu dareemaayay Xanuunka wuxuu Xarunt weyn ee Imaamu Shaafici Muxaadaro kale ugu galay Haween faro badan oo uu kala hadlay in aduunka laga Saahido ( الزهد في الدّنيا) , Xanuunkaas iyo damqashadaasi uma diidin in uu dhamaystiro fariintii iyo macnihii ay xanbaarsanayd muxaadatadii uu waday ,

Waxaa iyana Xusid mudan in Sheekhu uu caan ku ahaa marka uu soo jeedinaayo wacdi iyo War-Diimeed in hadalkiisa oo dhammi uu ahaa Nusuus (Qur,aan & Axaadiis) kuwaas oo saamayn badan ku yeelan jiray dadka dhagaysanaaya , illaa isaga iyo Bulshaduba ay isku dari jireen oohin iyo ilmo ( illin) , isagoo hadana ahaa daaci aan Xaqqa Qarin , runtana waligii aan lagabban ,

Waxaan marnaba la illaawi karin dawrkii uu kulahaa Dhex-galka , Musaalaxada iyo Heshiisiinta meel kasta oo Qaylo-dhaan Colaadeed kasoo yeedho , hadhawaato ama ha dheeraatee , Bari , Galbeed , Koonfur , iyo Waqooyi jihhaday doonto ha ahaatee waligii kamuu maqnaanin Sh.Maxamed Shukri Dirir iyo Dagaal sokeeye in uu damiyo ,

Dhimashadii Sheekha
——————————

Sheekhu wuxuu geeriyooday Subaxii isniinta oo ku beegan 12-Nov-2018 , Kadib Markii Xididka weyn ee halbawlaha ah ee waraabiya wadnaha ay xinjiri isku gufaysay , halkaas oo uu sii waraaqay muddo sadex cisho oo kaliya oo dhakhaatiirtu ay la tacaalaayeen naftiisa , laakiin Sunnada Rabbi ayaa ah in aan Mawdd la baajin karin ,

Maalintu waxay ahayd maalin aad ukulul oo Qorax badani jirto , Intii aanu ku jirnay Qal-qaalada , diyaarinta , iyo isku dubba-ridka Xabaasha waxaanu dareemaynay Huur iyo Hanfi badan , laakiin Mucjisada dhacday ee ka Muuqatay Xabaasha Dusheedii ayaa ahayd in mar kaliya ay isbadashay Jawwigii iyo Kulaylkii Qoraxdu markii aanu maydka xabaasha keenay oo illaahay noogu nimceeyay Daruur Dallad iyo Dalaalimo nooga noqotay Qoraxdii illaa aanu ka aasnay Marxuumka .

Ugu danbayn Sheekhu wuxuu ii ahaa waxa uu dhammaan ummada iyo dadkaba u wada ahaa , waxaase aniga ii sii dheerayd ishayadu may kala libdhi jirin Mar qudha , Naftayaduna may kala maqnaan jirin Mar kaliya , wuxuu ii ahaa walaal xaga wada noolaanshaha iyo wada sheekhaysiga , wuxuu ii ahaa Waalid xaga dhalashada iyo dhigashada Cilmiga , wuxuu ii ahaa Wehel xaga wada jooga iyo wada Socodka , waan iska Xar-xariiqayaa uun waxan aan Qoraayee ma garan karo kalmado, Erayo , Weedho , iyo Hadal aan ku Cabbiro Xidhiidhka naga dhaxeeyay Sh.Maxamed iyo waxa aan dareemaayo , oo aan ka ahayn in aan waayay Garab iyo Gaashaan aan Gabaadsan jiray , iyo in geeridii Sh.Maxamed Shukri Xasan igu noqotay uun Jug iyo jeedal soo gaadhay Naftayda iyo dareenkayga intaba , waxaase leeyahay uun inkasta oo ay adagtay in la helo Cid buuxisa kaalintii uu ku beegnaa Sheekhu hadana waxaanu ku dadaali doonaa in aanu ku taagnaano jidkii iyo jihhadii uu nagaga tagay sheekhu.

إنا لله وإنا إليه راجعون
إن لله ما أخذ ، وله ما أعطى ، وكل شئ عنده بأجل مسمى إن العين تدمع والقلب يحزن ولا نقول إلا ما يرضى ربنا

Sharmaarke Wacays