TV-ga CNN oo dacwad ka dhan ah Trump u gudbiyey Maxkamada Washington..Nov 14.18

Maamulka Telefishanka CNN ee dalka Maraykanka ayaa dacwad ku oogay Madaxweynaha dalkaas Trump ka dib markii Aqalka Cad uu ruqsaddii kala noqday mid ka mid ah wariyeyaashiisa sar sare.

Madaxii CNN u qaabilsanaa aqalka Cad, Jim Acosta ayaa laga qaaday kaarkii weriyenimada ee uu ku galayey todobaadkii hore saacado ka dib markii ay hadalo kulul isweydaarsadeen Trump.

CNN ayaa waxay ku doodaysaa in dhacdadaasi xad gudub ku ahayd xuquuqda dastuuriga ah ee Acosta.

Dacwaddan oo laga furay maxkamadda Washington DC ayaa Madaxweynaha iyo laba ka mid ah kaaliyeyaashiisa  eedeymo kala duwan loogu jeediyey.

Waxaana ka mid ah madaxa shaqaalaha aqalka cad John Kelly iyo afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders oo sheegay in sababta ruqsadda Acosta loola noqday ahayd habdhaqan aan la aqbali karin.

Acosta ayaa CNN u sheegay inuu Trump weydiiyay su`aal uusan Trump jecleysan taasoo sababtay inay hadallo is dhaafsadaan.

Acosta ayaa isku dayay inuu su`aal ka weydiiyo baaritaanka Ruushka ee faragelintii la sheegay inuu ku lahaa ololihii madaxtinnimada sanadkii 2016, balse Trump ayaa yiri “intaas ku jooji makarafoonkana dhig”.

Gabar ka tirsan shaqaalaha Aqalka Cad ayaa isku dayday inay makarafoonka ka qaaddo weriyaha, kaddibna Acosta ayaa diiday inuu u dhiibo isagoo ku yiri iga raalli noqo marwo.

Guud ahaan xiriirka ka dhexeeya saxaafada Maraykanka iyo Madaxweyne Trump ayaan wanaagsaneyn muddo badan.Trump_CNN_2