WAFDIGII UU HOGAMINAAYAY GUDDOOMIYAHA BAANKA DHEXE EE SOMALILAND OO KULAMO LA YEESHAY SHIRKADO MAALIYADEED IYO CALANKII SOMALILAND OO LAGA TAAGAY XARUMAHOODA.

thumbnail_PHOTO-2018-11-13-21-40-54 (1)Wafdagii uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ee u  anbabaxay  dalka Ingriiska aya kulamadoodii  ugu horeeyay la qaatay  qaar ka mid ah shirkadaha waawayn ee Maaliyadeed ee ka hawl gala dalka Ingriiska. Wafdiga  ka socday Somaliland  waxa  si diiraan usoo dhaweeyay Madaxdii shirkadaha ay la kulmeen  waxaana calanka Somaliland ee towxeedku ku xardhanyahay laga barbartaagay Calanka dawladda Ingriiska , taaso  muujinaysa meeqaamka iyo ixtiraamka ay Somaliland ku leedahay fagaarayaasha caalamka , inkasta oo aanay weli ictiraaf buuxa helin. Ujeedooyinka ugu waawayn ee Wafdigu ugu baxeen dalka Ingriiska waxa ka mid ah inay cilaaqaad lasoo sameeyaan baananka caalamka , aqoon korodhsi iyo inay la kulmaan Baanka Dhexe ee Ingriiska.

Wafdiga oo saddex cisho ku sugnaa Magaaladda London, waxay u sii gudbi doonaan magaalooyinka Manchester iyo New Castle halkaaso oo ay kulamo muhiim ah kula yeelan doonaan shirkado Maaliyadeed oo  xaruntoodu tahay magaalooyinkaas.IMG_3781 thumbnail_PHOTO-2018-11-13-21-40-54 (1) thumbnail_PHOTO-2018-11-13-21-40-54