Wasiiro Tiro Badan Oo Burco Isugu Tagay Si Ay Ugu Qaban Qaabiyaan Muuse Biixi Soo Dhawayn Gacan Ku Rimisa+Maxamed kaahin oo Laascaanood uga soo baqoolay Soo dhaweynta Muuse Biixi.

Wasiiro Tiro Badan Oo Burco Isugu Tagay Si Ay Ugu Qaban Qaabiyaan Muuse Biixi Soo Dhawayn Gacan Ku Rimisa+Maxamed kaahin oo Laascaanood uga soo Baqoolay Soo dhaweynta Muuse Biixi.

Waxay ahayd maalintii shalay markii uu Madaxwaynaha Somaliland usoo kicitimay gobolada bariga Somaliland iyadoo dad koobani  ku soo  dhaweeyeen  Gobolka Saaxil Caasimadiisa Berbera Oo Ku Suganyahay maalintii labaad.

Madaxwaynaha Ayaa Kusoo Wajahan Gobolka Togdheer Maalinta Beri Ah, ma muuqato udiyaar garaw balaadhan oo laga dareemayo gobolka Togdheer.

Qaban qaabada iyo soo dhawaynta madaxwaynaha oo looga bartay badhasaabadii hore ayaa waxa uu Xamse Maxamed Cabdi u muuqdaa mid ku haftay, waxaana magaalada burco ka muuqata kala daadsanaan iyo inaanay shacabku dhaadsanayn imaanshaha madaxwaynaha.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta soo gaadhay gobolka Togdheer isagoo xafiiska badhasaabka kulano kula qaatay madaxda dawlada, odayaasha ,iyo dhalinyarada si loo dardar galiyo soo dhawaynta Madaxwaynaha oo ah safarkiisii ugu horeeyey ee uu Muuse Biixi Ku Yimaado Gobolka Togdheer tan iyo intii la doortay.

Arrintan ayaa laga saadalin kara niyad jabka ay shacabku ka mujiyeen gaar ahaan Rer Burco Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi. Geesta kale Badhasaabka Togdheer Xamse Cadaw Yuurura ayaa u muuqda isna mid ku haftay mawjadaha gobolka ka aloosan.

Source SomalilandToday