Mareykanka oo Ciidamo cusub usoo diraya Soomaaliya iyo Tirada ciidankaasi oo…Jan 22.19

Dowlada Mareykanka ayaa Soomaaliya usoo direysa ciidamo dheeraad ah oo loogu tala galay in ay ka qeyb qaataan dagaalada iyo howlgalada ka dhanka ah dagaalyahanada Al Shabaab.

Mareykanka ayaa diyaariyay 130-askari oo dhawaan tababar kusoo dhameestay Gobolka New Jersey, ciidankan cusub ayaana la filayaa in todobaadyo gudahood ku yimaadaan Soomaaliya.

Ciidamadan cusub ee dowlada Mareykanka usoo direyso Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanaya  howlgalada ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyaan goobaha Shabaab maamulaan .

Mareykanka ayaa la sheegay in Soomaaliya ka joogaan saraakiil iyo ciidamo gaar ah oo lagu qiyaasay 500, Mareykanka ayaana saldhiga ugu weyn ee Soomaaliya ku leeyihiin waxa uu ku yaalaa garoonka Balli-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya jooga ayaa fuliya howlgalo gaar ah oo lagu beegsado Al Shabaab iyo duqeymo dhinaca cirka ah, waxa sidoo kale Mareykanka tababaro gaar ah siiyaan Kumaandooska Soomaaliya.