Dowladda Jabuuti oo ku dhawaaqday Arrin ka Farxinaya shacabka Somaliland iyo Xidhiidhka labada waddan

Hargeysa (Salaanmedia)- Dowladda Jabuuti, ayaa ku dhawaaqday inay hoos u dhigtay isla markaana ay jabisay Qiimaha Visaha (Dal-ku-galkooda) ee ay soo dalbadaan muwaadniinta u dhalatay Somaliland.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xidhiidhka labada waddan isla markaana qayb ka ah waxyaabihii ay ka wada-hadleen labada madaxweyne ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kulan sannadkii hore ku dhexmaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidaasna waxa sheegay Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Somaliland Danjire Kawaaliye oo maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Wasiirka Cadaaladda Somaliland oo booqasho ugu tagay.

 

Faahfaahinta Warkan Ka daawo Muuqaalkan

Â