Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Hadlay Dhibaatada Lunsiga Hantida Ummaddu Leedahay, Farriina U Diray Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (SalaanMedia) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada ay If iyo Aakhiro leedahay Lunsiga Hantida Ummadda ka dhaxaysa iyo halka Diinta Islaamku ka taagan tahay.

Sheekh Aadan oo Daliishanaya Aayaadka Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaadiista Nebiyullaahi Muxamed (CSW), ayaa ka warramay sida Diinta Islaamku uga digtay in Qof uu si gaar ah u Lunsado Hanti ay Ummaddu wada leedahay, isagoo taasi barbar-dhigaya sida Maanta Somaliland iyo dunida Muslimku tahay.