Zaila Corridor 60 km oo kaliya ayey u jirtaa Xadka halka Berbera u jirto 240 km xadka Ethiopia iyo Somaliland ganacsiguna waxa uu ku faa’idaa meherada ugu dhow ee baahida dabooli karta !! Dr.Khadar-Libaaxley.
Waxa saylac loo yaqaaney quruuntii aynu soo dhaafney ( main trade ancient routes of Abyssinia ) ama ( the Natural out let Trade of Harar ) oo tilmaameysa xidhiidhka sooyaal ganacsi ee ka dhexeeyey Saylac iyo Ethiopia qaybaheeda kala duwan, hayeeshee xaalkaa iska ah ayaan ba ayaan, waayaha nasiib ee taayirka wareega ah kaasi oo xambaarsan waayaha sareynta iyo hooseynta ayaa saylac xadhig laba dible ah gacmaha uga xidhay ; waayo xilliyada sannadka ee dabeeciga ah ayaaba leh ( Gu’ barwaaqo iyo Jiilaal abaareed ) waxase aan rajeynayaa in ay muuqato in uu dhoolka soo shitay si buuxda in uu yimi sabankii ay saylac laba kacleyn laheyd insha’allah nin jecel iyo nin neceb ba , waxa sabab u ah in uu yimi sabankeedii baahida dekedaha geeska afrika loo qabo ee ay xaraaradiisu cirka isku sii shareerayso maalinba maalinta ka dambeysa; ma’aha cidkale waa dalkeena labaad ee itoobiya iyo wadamada kale ee dunida maal-gashada.
Ganacsiga iyo cid kasta shaqadaas ku foogan waa macaash raadis goor iyo ayaan la joogaba, Ganacsiguna sidiisaba waxa uu faa’ido iyo macaash ku leeyahay meherada ugu dhaw ee aad ka heli karto wax kasta oo baahidaada daboolaya.
Hadaba Somaliland xeebtee ayaa ugu dhaw Ethiopia oo u baahan xeebo ay maal-gashato?
NM | Gobolada Awdal iyo Saaxil waa xeebaha ugu dhaw Ethiopia dhanka Somaliland iyo somalia | Xuduuda labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia badka ay u jiraan biyaha bada. |
1. | Berbera illaa wajaale | 240 km |
2. | Borama illaa Lughaya ( Borama xadka ayey ku taalaa ) | 120 km |
3. | Xariirad illaa Zaila corridor | 85 km |
4. | Geestiir illaa Zaila corridor | 60 km |
Gabo-gabo iyo Gunaanad:
Dalka iyo Dadka waxa masuul ka ah Dawlada oo ah miisaanka iyo udub dhexaadka xaqa u leh raadinta maal-gashiyo shaqo abuur ay ka helaan muwaadiniinta dalku , isla markaana dawladu ka hesho cashuurta ku waajibta dadkeeda iyo deegaanka maal-gashigu ka hirgalo, sida saxda ah ee caafimaad qabka ah ama ( Good governances ) waa in ay dawladnimadu ka madhantahay cid jecleysi iyo goob jecleysi meel ay tahayba dalka oo dhan ; marka ay noqoto ganacsi iyo dekado la maal-galiyo waxa muhiimad iyo mudnaan leh ( Goobta adeega la rabo ugu dhaw ee dabooli karta baahida jirta ) waa sida kaliya ee uu ganacsigu faa’ido ku dhali karo dhan walba isla-markaana maan-gal iyo kal-sooni dhis shifo leh u ah dhamaan dadweynaha dalka wadayaala isla markaana indhaha beesha caalamka qiimeyntooda ( Good governances ) u noqon kara mid ka madhan eex deegaan iyo ku takri-fal awoodeed.
Dr.khadar -Libaaxley
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts