” Faallo” Halka Xaalka Somaliland Hadda Maraayo ( Abdi-Shotaly).

” Faallo” Halka Xaalka Somaliland Hadda Maraayo ( Abdi-Shotaly).

Marka xukuumadi ay karkaarka dhaafayso, waxa lagu gartaa muran ka dhex dilaaca, is casilaadda oo xadka ka baxdda, boob loo sii kala dheereeyo, ilayn mid waliba wuxu is leeyahay idiin dhamaataye yaan lagaa badsane, markaas buu jeebebka iyo baannanka daayoo, xataa uu is yidhaahaa sharabaadadda, waxad qaadi kari waydo ku sii guro, sidda tan imika ina dhaxal wareejisay. sideeda-bana is haysiga maamul, waa calaamadaha kala yaacoodda, oo waxa dhex gasha kala shaki la is aamini waayo, aakhir-kana midba wuxu doono buu xukuntaa, oo waa la iskala tagaa sharci iyo distoor, ka dib-na waa ta badu buurta hirdiday, waxa cayn-kaas ka dhigan oo si weyn inoogu muuqdda, in qasriggii Xaafad-tooyaddii ay fiintu ka dhex ciyeyso. isku daadatay, oo mid-ba inta uu maqan yahay Xataata haduu gobol kale u baxo) uu ka-ka sareeyaa, ama ka hooseeyaa uu amar u gaar ah dejinaayo, marka kii maqnaa yimaadana, uu amar kale oo ka soo hor jeedda, kii uu bixiyey saaxiib-kiisii shaqadu ka dhexaysay uu isna ku dhawaaqaayo. dabeed meeshu way isku kartaa waa sidda Imika ka taagan Xaafad-tooyada’e. Aan kuu balbalaa-dhiyo’e, in yar i amaanaysii dhega-haaga iyo indha-haaga, oo si caafimaad qabta iila akhri intan hoos ku qoran.

Waxa la yidhi “Labadda xaq darradda ku heshiiyaa, Xaqa bay isku dilaane” Akhristaw dar is cunaaya, laguma dhex jiri karo, waxa la isku haystay beryaha-ba, oo kolba heer soo socotay, dhawr jeer la kala dhex galay, oo askarigu dhawr jeer ka baxay balantii iyo heshiiskii lagu dhex galay, waxay soo gurguurata-ba imika bay miinaddii qaraxday, taas oo ah, Saylici baa wuxu watay Mr Xudhuunkii Ciidanka asluubta laga bedelay, kaas oo uu u isticmalai jirey, beriggii hore-na Cadaawadda uu Saylici u hayo Beesha Ciise, oo ay dhul isku haystaan, dabeed askari-gani inta uu xilkii ka qaaday, baa wuxu geeyey Libaaxo, oo ah isna ka soo jeedda beesha samaroon, laakiin aanay isku jifo ahayn, arintaas oo mudo-ba hoosta ka socotay, baa wakhtigan oo aad u xasaasi ah soo korodhay, markii uu askariga ” Raggii ma adigaa ka hadhay” uu u sheegay Saylici in uu rabo, Mr Xudhuun in uu geeyo ama u bedelo Gar-Adag, halkaas oo lagu dilay labaddii askari, ee kala haystay Sal-dhiga booliiska iyo jeelka Gar-Adag, si uu uga takhaluso Mr Xaduun isna, sheekadad isaga iyo Saylici dhex taalaana ay ugu dhamaato. waxan ku soo xidhay qoraalkan ugu dambayntii, habeen hore waxay gaadhay in ay gacan iskula tagaan, Askariga iyo saylici, af buuxana wuxu ku yidhi asakrigu, doorshadad dambe waxan kugu bedelayaa Mr Axmed Ismaaciil Samatar, wax ay ku soo gabag-baw-doba, mudo ilaa 2 todobaad ah xaal-koodu wuu cakiran yahay, oo wuxu joogaa Saylici oo leh ma ada aku dhaca iyo askariga oo leh in yar i eeg.

Wax la yidhi “Geelaw soco-soco oo marka aad ciin daaqdo baa laguu yaabaaye” Waxay bello ka hig leedahay Sidaan sare ku sheegay Xaafad-tooyaddii Somaliland, oo isku jiq ah, waxa ka dambeeya oo abuuray-na, Askariga lagu shaqaysto ee la yidhaaho Geenyo Shaaximan, oo doonaaya in uu Mr Xudhuun , oo ay colaad hoose ka dhaxaysay mudo badan iyo saylici oo hore ay isu qabsadeen, marka uu asakrigu debedaha u baxo ( waa Raggii ma adigaa ka hadhaye), uu Geenyo shaaximani maamulka maroorado, Saylicina ku yidhi AnaaKu xigeen u ah askariga’e, ku ekaw wasiir Ku sheega Gudaha ( ilayn waxa loo samaystay ( isku dirka belaha bariga’e, wax kale uma joogo meesha’e). Cid kala gurtaana aanay jirin ee ay isla wareertay, halka aad wax ka sugay-saan waa meeshaas, iyaddii is eryanaysa siddii bahlo hilib kala boobaaya, raqina ay dhex taalo, Hadaba bal is waydiiyoo, Maxaad ka cuni dheri isagi isku gubtay? jawaabtu waa wax-ba, ee gaajo iyo macaluul baa afku kula sii qaloocan doonayaa. Waxay tahay mushkiladu, labaddii Xunkunal-qarqooshka meesha ku boobaayey, ee komishan ku sheega askariga hoos fadhiyaa ( laaluushka caabudka ahi) ay gacanta uga geliyeen ( Waa Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Sayliciye), baa aan dabka kala qaadan ayaamahan ugu dambeeyey, oo iyakii la kala hayaaye, Ma cid bay markaa hadh u jiidayaan bay idin-la tahay? Saw maaha in aynu ka tashano, oo meel bed-qabta uga guurno, kaas oo ah in Mucaaridnimo kala hor tagno, ilayn waa tan oo isku dhalaashaye, ku draso oo dalkii kala badh baa wareegay, intii waxan meesha isku haysta, ka bororina-yeen Hargaysa, ilayn meel akle oo ay xukumaan ma jirto’e.

* N.B “Labadda Xaq Darradda Ku Heshiiyaa, Xaqa Bay Isku Dilaan.
Qore:- Abdi-shotaly.