Tacsi..Allah ha u naxariistee Xaaji Axmed Diiriye Guleed oo Hargaysa ku geeriyooday.

Waxa maanta oo tariikhdu tahay 11/9/2019 ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Xaaji Axmed Diiriye Guleed oo ahaa oday aad looga yaqaanay dalkan Ingiriiska gaar ahaan caasimadda London. Waxa maanta lasoo sheegay in uu si kadis ah u geeriyooday.

Allah ha u naxariistee Xaaji Axmed Diiriye oo ahaa Suldaanka Qurba-Joogta Somaliland waxa uu ahaa qof Salaadsax ah Diinta aad ugu wanagsan kuna tukan jiray safka hore ee masaajidka,Waxa uu had iyo jeer wax badan ka qaban jiray arimaha Somalida ku nool dalka Ingiriiska oo uu ka odayeyn jiray,kana qayb qaatay nabadeyntii Somaliland,waxa uu ahaan jiray ganacsade meelo badan kasoo shageeyey.Waxa uu ahaa oday dadka aad ugu dhex jira kuna baraarujin jiray dadka Allah ha cabsi.

Dhamaan hawl wadeenadda Shabakadda Salaanmedia meel kasta oo ay joogaan waxay Tacsi u dirayaan ehelkii,Qaraabadii iyo shacabkii uu ka baxayba in Allah samir iyo iimaan ka siiyo isagana janadii ka waraabiyo.

Amiin Amiin Amiin