DAAWO VIDEO:- Hay’adda NISA Oo Soo Bandhigtay Fanaan Al-Shabaab Noqday Oo Afkiisa Ku Qirtay

DAAWO VIDEO:- Hay’adda NISA Oo Soo Bandhigtay Fanaan Al-Shabaab Noqday Oo Afkiisa Ku Qirtay

xx Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA) ayaa waxay soo bandhigtay muuqaal kooban, oo laga soo duubay Abshir Gaarane Axmed oo ka mid ahaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir.

Muuqaalkan oo lagu baahiyay barta NISA ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yidhi “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan Kooxda Fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa argagixisada Al Shabaab xuuraanka & maaliyadda ayaa dabagal dheer ka dib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha Garsoorka.”
Abshir Gaarane ayaa muuqaalkan ku qirtay inuu Ururka Al Shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla-markaana uu u qaabilsanaa uruurinta macluumaadka iyo weliba dhinaca maaliyadda.

“Kooxdan Al Shabaab waxaan la shaqo bilaabay 2013-kii, shaqadeeda waxaa waaye Fanaan, waxaana ka shaqeeyaa Gobolka Banaadir, qaybtiisa Fanka iyo Suugaanta. Aniga waxaan u qaabilsanaa qaybta macluumaadka iyo dhanka maaliyadda.” Ayuu yiri Abshir Gaarane.

Si kastaba ha’ahaatee, tani ayaa xoojinaysa dareenkii uu dadku ka qabay sida ay xubnaha Al Shabaab ugu dhex milmeen xafiisyada hay’adaha kala duwan ee dowladda.

NISA@HSNQ_NISA

Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaa Dabagal dheer kadib NISA gacanta kusoo dhigtay, Iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha garsoorka.