Guri 50 gu’ La Isku Hayay Oo Laga Heshiiyay iyo Mahadnaq Uu Qoray Xildhibaan Mukhtaar Maxamuud Cabdillaahi Xaaji Diirqadhaadh

Guri 50 gu’ La Isku Hayay Oo Laga Heshiiyay iyo Mahadnaq Uu Qoray Xildhibaan Mukhtaar Maxamuud Cabdillaahi Xaaji Diirqadhaadh

Ugu horayn Allah ayaad mahad oo dhan u sugnaatay, aniga oo ah Xildhiban Mukhtar Mohamoud Diirqadhaadh kana wakiil ah qoyskayga ilama Haaji Mohamoud Diirqadhaadh waxaanu Maanta oo ay taariikhdu tahay 22/1/2020 soo afmeernay dacwad guri taas oo soo jiitamaysay in ka badan 50 sano una dhaxaysay qoyskayga ilma HAAJI MOHAMOUD ABDILAAHI DIIRQADHAADH iyo labada qoys ee kale oo isku dhinac ah kalana ah ilma ISMACILL SHAAMBIYE iyo YOUSUF FAARAX QAASAALI.

Dacwada gurigan oo soo martay marxalado kala duwan iyo wakhtiyo kala duwan oo aad u dheer waxay labada dhinac ku heshiiyeen in guriga la iibiyo si simana loo kala qaato halkaasna dacwada lagu soo afmeero
waxaanu halkan uga mahad celinaynaa gudoomiyaha maxkaada sare ee somaliland Aadan Haaji Ali oo ku bixiyey dadaal aad u dheer iyo wakhti badan sidii dacwadaas loo soo afmeeri lahaa.

Sidoo kale waxaanu halkan uga mahad celinayanaa odoyaasha labada dhinac ee aqbalay go’aankii ay soo saartay guddidii dhex dhexaadinta ahayd ee loo saaray in ay ka garnaqaan dacwadan

ALLAH AYAA MAHAD LEH!
Xildhiban Mukhtar Mohamoud Diirqadhaadh