UK waxay si rasmi ah Midowga Yurub uga baxaysaa habeen dambe (Jimce, 31ka Jenuweri) markay ay saacaddu tahay 11.00 pm.

Brussels waxa caawa laga sii sagootinayaa British-kii, waxaana farasmagaalihii lagu shiday laydhadh iftiinka ay sii daynayaan uu yahay midabada calanka UK ee loo yaqaanno ‘The Union Jack’, sida ay saxaafaddu soo tebinayso. Waxa socda xaflado lagu maamuusayo Brexit (ka-bixitaanka UK ee Midowga Yurub).

UK waxay si rasmi ah Midowga Yurub uga baxaysaa habeen dambe (Jimce, 31ka Jenuweri) markay ay saacaddu tahay 11.00 pm. Laakiin isla markiiba waxa la galayaa wakhtigii kalaguurka (transition period) oo loo cayimay muddo 11 bilood ah.

Inta lagu jiro muddada kalaguurka UK waxay ku sii dhaqmi doontaa oo ay ixtiraami doontaa shuruucda Midowga Yurub. Wax walba sidooda ayay muddadaa sii ahaan doonaan marka laga reebo arrimo ay ka midyihiin kuwa soo socda:

1) UK waxay ka baxaysaa dhammaan hay’adaha siyaasadda ee Midowga Yurub. Sidaa daraadeed, xildhibaanadii UK u matalayay Baarlamaanka Yurub (MEPs) waxay waayi doonaan xubin-nimadoodii, wayna soo guryo-noqon doonaan.

2) UK kama qaybgeli doonto shirarka Midowga Yurub.

3) Baasaboorka UK midabkiisu wuu isbedelayaa.

4) Wasaaraddii arrimaha Brexit albaabada ayaa loo laabayaa. Kooxda u qaabilsan wadahadalada UK iyo Midowga Yurub waxay ka hawlgeli doonaan xafiiska ra’iisal wasaaraha.

5) Dawladda Jarmalku ma soo dhiibi doonto dadkooda dembiilayaasha ah ee UK dembiyo ka soo galay.

6) Wadahadalada ku saabsan heshiisyada ganacsiga ayay labada dhinac aad uga wadashaqayn doonaan.

Dawladuhu waxay u shaqeeyaan dadka, waxayna ku qasbanyihiin in ay mar walba ka shidaalqaataan waxa ay dadka badankoodu doonayaan iyagoo raacaya, fulinaya oo hirgelinaya natiijooyinka ka soo baxa doorashooyinka iyo aftida.

Waa arrin caadi ah in waddamo kala duwani ay wax isku darsadaan oo ay wax wadaagaan si ay danahooda uga wada shaqeeyaan. Laakiin haddii habkii danahaa waddaagga ah lagu maamulayay uu shaqayn waayo oo uu ujeeddadii loo sameeyay gaadhiwaayo, markaa waxa lagu qasbanyahay in si sharaf leh loo kala baxo.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Adduunyadu waa sheeko iyo shaahid”, haddana waxaad mooddaa in aanay ka faa’iideysanin dhacdooyinka taariikhiga ah iyo saamaynta ay nolosha aadamiga ku yeeshaan.

Maanta waxaynu la soconaa oo aynu isha ku wadahaynaa UK oo bustaheedii ka soo laalaabanaysa golihii ay ka mid ahayd in ka badan 47 sannadood.

Waxa kale oo aynu markhaati ka nahay in qayb Soomaalida ka mid ahi ay aaminsanyihiin in uu weli socdo baabuurkii siyaasadeed ee laba waddan oo Soomaali ahi ay shuraakada ku ahaayeen ee 30 sannadood ka hor shidaal beelay, kadib na birihii iyo mashiinkii ay daxalaysteen, farsamayaqaanadii hagaajin jiray na ay saxeexeen in aanu rajo dambe lahayn, laakiin se soojeediyeen in ay laba baabuur kala iibsadaan si bulshada loo badbaadiyo.

Badbaadinta iyo kala badbaadinta bulshadu waa waajib ina saaran.

#CaqliguHaShaqeeyo