WAA MAXAY SABABTA AY MADAXWEYNAYAASHA MARAYKANKU UGU SAFRAAN DIYAARADDA BOEING 747-200B?

WAA MAXAY SABABTA AY MADAXWEYNAYAASHA MARAYKANKU UGU SAFRAAN DIYAARADDA BOEING 747-200B?

Markasta oo madaxweyne Maraykanka ahi u socdaalayo waxa uu ku qasban yahay inuu qaato mid ka mid laba diyaaradood ee loo yaqaan Air Force one, kuwaas oo nooca diyaaraduhuna yihiin Boeing 747-200B.

Hadaba, waa maxay sababta ay madaweynayaasha maraykanku ugu qasban yihiin diyaaraddan qadiimka ah ee baaxadda weyn leh?

Labadan diyaaradood ee Boeing 747-200B waxaa dalabkeeda bixiyey madaxweynihii la odhan jiray Ronald Reagan, waxaana loo diyaar gareeyey markii ugu horreysay 1990 ee Madaxweynaha uu ka ahaa George H. W. Bush.

Diyaaradahan waxaa madaxweynaha Maraykanka loogu dooray dhowr arrimood oo kala ah:

â–ª In diyaaradaha noocan ah oo ka kooban 4000 square feet, waxay qiyaas ahaan ugu filan tahay inay noqoto xarun maamul madaxtooyo ama military dhamaystiran (Mobile Command Certre), iyadoo loo kala xidhay 3 dabaq oo ka kooban xarun maamulka ciidamada oo ay ku xidhan yihiin dhammaan agabka tignooliyada (Defence Technology Telecommunications system) lagu wada xidhiidho ee la iska arko, xafiisyo, qolka shirarka (Conference Room), qolka qalliinka (Operating theatre) iyo meelaha cuntada lagu kariyo (Food preparation galleys).

â–ª Si diyaaradaha noocan ah aan lagu qaldin diyaaradaha kale, qiyaas ahaan, midab ahaan iyo magac ahaanba (Air Force One).

â–ª In diyaaraddan ay ku xidhan yihiin aalad khalkhalisa “Jammers” gantaalaha lala beegsada guuxa iyo kulka diyaaradaha iyagoo jihadooda bedela gantaalaha lagu soo tuuro “Heat-seeking Missiles Diverter”.

â–ª In diyaaraddahani awood u leeyihiin in ay ku socdaalaan joog sare (Higher Altitude) oo ah 45,000ft oo ka korreeya jooga (Altitude) ay diyaaradaha rakaabka ahi ku duulaan.

â–ª In diyaaradahani ku duuli karaan xawaare aad u sarreeya oo gaadhaya 600 mph (965 km/hr) taas oo ah ku dhawaad xawaaraha jabaqda (Speed of sound) ama 1 mach.

â–ªArrinta kale ee ay diyaaradani muhiimad weyn ugu leedahay in madaxweynuhu istimaalaan waxay tahay in diyaaraddani hawada sare ku qaadan karto shidaalka ay u baahan tahay iyadoo aan dhulka u soo degin, taasina ay suurta gelin karto in diyaaraddu hawada ku jiri karto intii la doono haddii ay timaaddo xaalado aan dhulka loogu soo degi karin sida aafooyinka dabiiciga ah ama xag nabad gelyoba.

Hadaba diyaaradahan ayaa noqday qaar uu qarashka isticmaalkoodu aad u sarreeyo oo ay ku baxdo $206,337 halkii saacadba ee ay duusho. Midda kale maadaama ay shirkadda Boeing ee diyaaradan samaysay waxay dhowr sanno ka hor joojisay samaynta nooca diyaaradahan oo markii ugu horreysay ay sameysay 1970-kii, sidaa daraadeedna ay adag tahay in la helo qalabka dayac-tirka (Spare parts).

Sidaa aawadeed waxaa uu James Mattis oo ah Xoghayaha Difaaca (Defence Secretary) ee maraykanka ayaa 2017-kii dalab cusub u gudbiyey shirkadda Boeing uu kaga dalbayo 2 diyaaradood oo ah Boeing 747-8, kuwaas oo ay ku bixi doonto lacag dhan $3.73 billion, inkasta oo marka loo eego dhaqaalaha uu maraykanku ku bixiyo dhinaca difaaca oo ah $8.132 trillion ay lacatan diyaaraduhu ka noqonayso wax aad u yar. Diyaadahan oo dalabkooda la gudbiyey qaadan toonta mudada lagu samaynayaana 12 sanadood oo ah muddada loogu qalabeeyo diyaaradaha noocan ah aqalka cad ee Maraykanka ama madaxweynaha.

WAAD MAHADSAN TIHIIN
Ahmed M Musa