C/Xamiid Mustafe Aadan Maxamed waa wiilkaas ku ag sawiran aabihii oo ah Sheekh Mustafe Aadan oo Ah imaamka Masajidka Weyn ee Al-Raxma oo kasoo hor jeeda Saldhiga badhtamaha Burco.

C/Xamiid Mustafe Aadan Maxamed waa wiilkaas ku ag sawiran aabihii oo ah Sheekh Mustafe Aadan oo Ah imaamka Masajidka Weyn ee Al-Raxma oo kasoo hor jeeda Saldhiga badhtamaha Burco.

C/xamiid yare 14 jir wana xaafid 30 jis ee Quraanka dhakada ka haya , wuxuu Quraanka dhameyey Markii uu aha 9 jir , sidoo kale waxa uu Quraanka ku akhriya Qiraa’ooyin kala duwan.

Tartankii Quranka ee u horeyey waxa uu ka galey Gobolka togdheer , markii danbe waxa uu qayb ka noqdey tartamayashii DAHABSHIIL Hargeysa ku qabtey 2016kii , Tartankaas oo loo qabtey ardeyda xufada ee Gobolada Somaliland oo dhan , Waxanu ku guuleystey Tartankaas kaalinta Koobaad waxanu abaal marin ahaan u heley $4000 .,

Markii saddexad 2017 waxa uu ka qayb galey Tartan uu qaban Jirey Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo sido kale tartankaas Waxa uu ku guuleystey Kaalinta Koobaad waxanu abaal marin u heley Gaadhi iyo $2500 .

Waxan Xasuusta Markii uu guulahaas soogaadhey 2017 Reer Burco iyaga oo aan u kala hadhin hadey ahaato Maamulka gobolka, ganacsatada, culimada, dhalinyarta iyo guud ahaan Gobolkaba,waxa ay Gaga hortageen Qoyta oo dhanka waqooyi ka xigta magalada Burco una jirta 20 Km , waxany usoo galbiyeen dhanka Magalda Burco iyaga oo ku soo wareejiyey Wadooyinka Waaweyn ee isla Magaladaa .

Iiminkana waxa uu u safrey Tanzania isaga oo halkaas kaga qayb gali doona Tartanka Quraanka ee Qaarada africa, waxa uu matali dona Somaliland, waxa uu difaaci dona dadka Afka Somalida ku hadla Sharaf tooda,waxa uu yahay wiil Burco u maqan .

Mar aan hore wareysi ula yeeshey mudo 8 bilood ka hor ah oo an wax ka weydiiyey in uu tartanada noocan ah oo calami ah ka qayb gali doono ? waxa uu iigu jawabey wan ku rajo weyney in aan ka qayb galo kuna guuleysto.

Intii an wareysiga Kuguda jirney C/xamiid mar an weydiiyey waxa uu dhalinyarta kula talin lahaa?, waxa uu iishegey in ay Social media u adeegsadan dhanka khayriga ah.

Isaga Laftiisa mar an weydiiyey in uu isticmalo social media gaar ahaan facebooga ,waxa uu ii sheegey in uu leyey balse anu daneyn wigiina laga yaba in uu mar eego amaba uu iska dhaafo.

y C/Xamiid wareysi dheer oo dhinacyo badan tabanaya halkan ka daawo https://youtu.be/R7WxIt-8hdE .

Waxaynu Rabi uga rajeyneynaa In uu Ku soo guuleeyo Tartankaas Quraanka ee uu Tanzania kaga qayb galaayo.

Ducaysane Hies Abdi.