DAAWO: Saylici iyo Faysal C Waraabe oo Fagaare isku weeraray iyo Walaacii Guddoomiye Cirro

Hargeysa (SalaanMedia)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa madal lagu dhan yahay oo bulshada qaybaheeda kala duwan goob-joog ka ahayd isku weydaarsaday weedho siyaasadeed oo la xidhiidha Doorashooyinka khilaafkooda dhawaan la soo afjaray.

Hadalka ayay masuuliyiintu ka jeediyeen munaasibad xalay lagu daah-furay buug la magac-baxay Warjire oo uu qoray Suxufiga caanka ah ee Axmed Siciid Cige.

 

https://www.youtube.com/watch?v=ceS1954vZTM